Habaarkii Daahirka Ahaa Ee Xaaji Dalaayad:
Xaaji dalaayad wuxu ka isiran yahay degmada hargaysa waa
garxajis gaar ahaan isaxaaq carre, wuxuu ka mid ahaa abwaaniinta Soomaalida ugu
magaca iyo maamuuska weynaa, wuxu xaaji dalaayad dhashay hilaadii 1900kii wuxu
la jaal ahaa oo ay waqti wada noolaayeen cabdigahayr oo isna deegaanadaa
magaciisu ku faafay.
Xaaji dalaayad wuxuu caan ku
ahaa oo soo caan bixiyey wuxu ahaa nin karaamo leh oo karaamadiisu cid waliba
aragto, sidoo kale wuxu ku caan-baxay gabay kuhaanka oo cid ku gaadhaysa lama
sheegin. Xaajigu cidwalba dadka iskama guhaami jirine ninkii dadka looga taag
waayo ayuu Ilaahay u baryi jirey ,runtiina waa la arki jirey kuhaankiisa
saacado kadib.
Xaaji dalaayad mar isagoo u duurxulaya una sarbeebaya nin
saaxiib ahaayeen wax wanaagsan oo soo socda iyo inu heli doono geel badan oo
wada awrar ah wuxu u sheegayaa inu yahay todobaadkii uu lahaa isagu:
· Rimay naaxday iyo goolal baan, raarta ka arkaaye
· Haddaan layga ridin waa wiigaggaan, riixan jirey qaare.
Markale xaaji dalaayad isagoo isku matalaya xawayaanka buuraha galaya ama halaqa duuduuban ee wax qaniina ayuu dadweynaha uga dar-daar werinayaa inaanay dadku hor yaacine ay socodka u kaadiyaan waxaanu yidhi:
· Sida hororka buuraha galee wax isku haameeya
· Ama halaqa duuduubaneen , heyda lala gaadhin
· Haab-haabad baan ahaye, hay hor yaacinae.
Marar badan ayuu xaaji dalaayad isku dayey inu rag badan kuhaamo kuwaas oo uu dhibo badan ka sheeganaayey ragaas oo uu usoo cawday xaajiga tolkiisa si uu uga daayo gabay kuhaankana awaadhahana u hareermariyo ayuu xaajigu ka cawday ragaas tolkiis ka horjoogo kuwaas oo uu damacsanaa inu mariyo wadadii uu mariyey kuwii hore waxaanu yidhi xaaji dalaayad :
· Dheri jebiye gee baan lahaa, dhagaxda Laas-gaalle
· Jiilaal dhacaayaan lahaa, gaajo haw dhimanne
· Dhuuntaa ka nuug baan lahaa, dhuuxa yuurura'e
· Dhoollaha nuglaadaan lahaa, dhiigga ku adkeeye
· Dharaarana masruufsaan lahaa, dhabarradiisaase
· Anigoo dhulkii ka hinjiyoo, lana dhaqaaqaaya
· Ayaan baa tolkay way dhibee, igaga dhaarteenee
· Magaaladan ninkii aan dhuftaba, layga dhicinaayo
· Sow inaan dhabbaha haarriyoon, dhaanka raro maaha.
Nin kasoo jeeda qabiilka samaroon oo Aadan Yoonis la odhan jirey kana tirsanaa askartii ingiriisku soomalida ka qortay ee joogay
magaalada hargaysa ayaa aad u dhibay kuna tacadiyey dadkii deganaa hargaysa kuwaas oo odayadii iyo islaamihii la xushmayn jirey jeelka u wada direy, isagoo rabay inu ingiriiska tuso sidu daacada ugu yahay maamulkiisa.
Maalin maalmaha kamid ahaa ayuu ninkaasi xaaji dalaayad oo bakoorad wata u yeedhay si liidnimo ku dheehan tahay waxaanu damcay inu bakoorada ka kala jabiyo xaajiga kibir awgeed.
Xaaji dalaayad Bakooradii ma dhiibine intuu isagu jejebiyey ayuu gabay kuhaan halkaas ka mariyey ,gabaygaas oo aanan wada helin waxaan ka helay 2 meeris oo si dhaba u cadaynaya siduu u habaaray eebe weynana u aqbalay wuxu u sheegay in maanta dabadeed aan dib loo arki doonin oo uu mari doono wadadii kuwo horeba mareen waxaanu yidhi xaajigu:
· Dhaaxaa mid goolaaftamay, oo goostay noo yimiye
· Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadiiye.
Waxa jira gabay kuhaaan caan baxay oo soomali badankeed ay taqaano kaas oo xaaji dalaayad ku awaadhay ama ku habaaray niman ganacsato ahaa kuwaas oo markaa dhib badan laga sheegan jirey, labadaa nin oo la kala odhan jirey diiriye iyo lafcambe kale waxaana halkaa ka dhacay dhacdadii taariikhda gabay kuhaan ugu halista badnayd, labada nin waxay guryahoodu ku yiilay meel aan aad uga durugsanayn dooxa magaalada hargaysa, xaajigu wuxu ku habaaray labadoodaba inu daadka dooxu uu qaado sidoo kale waxa jiray nin kale oo dhexdooda yaalay oo uu xaaji dalaayad markii uu biyaha qaadi doona eebe weyne ka baryayey uu ku yidhi dhinac ka dhaafa oo isaga ammaan sii ninkaas oo la odhan jirey Aw dawiil halka kii ka shisheeyey iyo kii kasokeeyeyba uu daadkii dooxu uu la tegay.
Waa qiso dhab ah oo loo soo joogay taariikhduna warisay waxaanu gabaygaa ku yidhi xaaji dalaayad:
· Daadkii wadaadkii dilow Diiriyaa haraye
· Waan kuu duceeyaa markaa daallim jiidoba’e
· Adigaan askeri dowlo iyo cidi ku doonayne,
· Xaajigan daciifka ah intaad docadocaynayso
· Diihaal gabowdaa fadhida damasha waaweyne
· Isaga Aw Dawiil dacal ka dhaaf kuuma baan dirane
· Laf-Cambena duqee waysku diir labada doofaare.
Nin kale Cabdalle la odhan jirey kana isiraa qabiilka Toljecle ee isaaq ayaa Xaaji Dallaayad kula kacay wax aan wanaagsanayn oo laga xumaado, Xaajigu wuxuu ninkaas u adeegsaday hubkii eebe weyne siiyey ee ahaa gabay kuhaanka wuxu eebe uga baryey in aanu awlaad uu dhalay abidkii aanay anficin, sidoo kale wuxu ku habaaray qoorka oo uu nabaro ku lahaa ayuu ilaahay uga baryey inu ka bireeyo oo bilaawe afaysan ka mariyo oo gawrac ugu jiido waa yaabe kana sidii kii hore oo kale ayey u dhacday waana karaamo eebe bixiyo wax lala yaabo’se maaha waa la arki jirey waayadii hore ee dad iyo dalba la caafimaadka qabay ee dadku wanaagsanaa hadaba xaajigu wuxu tixdu ninkaa ku awaadhayna waxa kamid ahaa:
· Cabdalloow tus soo joogsadoon, tiixin baad tahaye
· Toljeclaba waraystoo wuxuu, taray la soo waaye
· Tagooggaaga wiilkaa ku jiriyo, kanad taxaabayso
· Kuma tiirsho wiilaad dhashoo, taabba qaadihiy
· Allihii tunkaa kaa kirkiray taana kaa mariye.
Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
[email protected] 0634240189