Muxuu Muuse Biixi Ugu Guuldaraystay Inuu Qabto Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Somaliland Mudo Labo Sanno Ah?

0
Friday December 27, 2019 - 18:12:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Muuse Biixi Ugu Guuldaraystay Inuu Qabto Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Somaliland Mudo Labo Sanno Ah?

    Waxaan isku dul taagi doonaa maqaalkan sababta dhabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan isku dul taagi doonaa maqaalkan sababta dhabta
ah ee uu illaa hadda u la meeraysanyo Muuse Biixi inuu qabto doorashooyinka golayaashaWakiiladda iyo Deegaanka ee Somaliland oo ay ahayd inay qabsoomaan sanadkii la soo dhaafay ee 2018 bishiisii March. Iyadoo aan hore arinkaa maqaal uga qoray kaasi oo aan diiradda ku saaray karti-darro da Muuse Biixi oo aan lahayn karti iyo hufnaan uu kuhirgaliyo doorashooyinkaas. Laakiin waxa uu Muuse lahaa karti uu kaga dabo qayliyo sida dacawga hadba cidda kursiga madaxweynaha Somaliland ku fadhida. Waxa aynu ogayn sidii isaga iyo Maxamed Kaahin ay wax uga sheegi jireen madaxwayne Riyaale  illaa ay gaadheen heer ay wax ka sheegaan marwadiisa. Mararka qaarkoodna kutiraabi jireen inay ul kaga soo saari doonaan Madaxtooyada madaxwayne Riyaale kaasi oo Suurtagaliyay inuu qabto doorashooyinkii uga tiradda badnaa ee abid Somaliland laga hirgaliyo. Maanta oo ay iyagu kaalintii ku jiraan waxay u tahay fashil Qabasho la’aanta ay qaban kari la’yihiin hal doorasho iska daa inay qaadaan tubtii Riyaale ku suurta galiyay qabsoomida doorashooyinkaa tirade badnaa.

 

Waxaa Maalin dhawayd oo ay bisha December ahayd 17 sannadka 2019 shir jaraa’id oo aan nuxur badanlahayn jeediyay Maxamed Kaahin oo wali kucelcelinaya wax uu tobanaan jeer oo hore sheegay, oo ah in xisbiyadda mucaaridku ay is hor taageen qabsoomidda doorashooyinka taasi oo aan u arko wanjal iyo been cad oo uu hore u sheegay marar kala duwan waxaanse leeyahay Maxamed Kaahinoow taasi waa (wax aad Ogtahay ma kuu sheegaa). cidda ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka waa macallinka Fariinta qaldan ku soo fara ee Muuse Biixi kaasi oo aad ka quud daraynayso inuu maalin uun kuguwareejiyo kursiga gudoomiyenimo ee Kulmiye. Waa kursi uu ilaa hadda si cad iyo fagaare loo wada dhanyahay ba u diidan yahay inuu kugu wareejiyo. Maxaa u diiday sidii Siilaanyo uu ugu wareejiyay isaga waa Muuse Biixiye, muddo saddex bilood ah inuu adigana kuugu wareejiyo mise timir lafbaa ku jirta oo wax uu la gabanayo oo aanad dhaadayn hadda ayaa jirta. Macal cune muuqan doonee waxaanse ku odhan lahaa dhul u dhacaaga hubso, Muuse ma aha qof la aamini karo oo waa wacad qabe kuwo mudo dheer ku rarnaa qaab Beelaysan iyo mid xisbiyaysan labadaba oo ku dhaqan Dagmadda Bristol ee Carrigaa UK, oo hiil iyo hooba isla garab taagay Muuse waa la layahay mid kaliya oo uu abaal u celiyay iskaba daa abaale uu kuyidhi waad Mahadsan tahay. Markaa ma laga yaabaa inuu cidla adna kaaga dhaqaaqo oo aad u qaadanwaydo, wax kasta ka yaab sidii ninkii cadan ka gabyee yidhi:

-  Adigoo  t oban  Yemen  ku  qaday ,   taana  la arkee .

-  Adigoo  Moo ge   iga   tiiri   leh ,  taana  la  arkee .

 

Bal aan kula dhawro halka puppet nimadda Biixi kugu furto waa loo wada joogi, tariikhdu Been ma sheegtee.

Aan u soo noqdo dulucda maqaalka, sida aniga iyo dad badan oo kale qabaan waxa dhab ah in Muuse ku guuldaraystay qabashada doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee mudo dhaafka ah sabatuna waxa weeye aduun urursi iyo musuq isaga iyo qoyskiisu ku fooganyihiin. Golayaashuna waa gaboodka uu kula dhuumnayo musuqa, tusaale ahaan xubnaha golaha wakiiladu isga ayay ugu jiraan jeebka sare ee shaadhkiisa xataa marka lagu daro gudoomiyaha wakiilada baashe oo ah dhambaal tabiyaha muuse biixi kasoo qaada fariimaha kadibna keena golaha. Fariimahaa aan shegayo kuwii ugu danbeeyay waxa ka mida markii lagu yidhi xisbiyada ka dhin lacagtii ay qaadan jireen oo iyada lafteedu talaabo ka hor tagaysa in doorasho dhacdo. Tusaalahaas ayaa calaamad u ah sida Muuse bixi uu u kantroolo golihii wakiilada ee matalayay shacbi waynha reer somaliland. Golayaasha deegaanada iyaga hadalkooda iska daa. Tusaale u soo qaado golaha deegaanka ee Hargaysa oo gudoomiyahooda ahna maayar ka magaalada aad moodo xoghayahii khaaska ahaa ee madaxweyne Muuse. Madaxweynuhu aad ayuu ula dhacsan yahay arinkaa waana sabab kale oo ku riixaysa in aanuu doorasho qaban. Waxaan u soo jeednaya xisbiyada mucaaridka iyo dadwaynaha a in aanay wakhti iskaga lumin in ay muuse ku qanciyeen inuu doorasho qabto waayo diyaarba u ma aha. 

 

Aan ku soo afmeero maqaalkan inuu Riyaale ahaa halyay qaran oo tiraba 5 doorasho qabtay xilligiisii. Dimuquraadiyada ay maanta Somaliland ku faanta qaybwayn ku leh. Kulmiye oo ay horboodayaal ka ahaayeen Siilanyo, Muuse iyo Maxamed Kaahinna  waxa cadaatay in aanay reer kulmiye hal ka gaadhayn Daahir Riyaale.

 

Qore: CabdiMuhu

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...