Gaabis Lama Hormariye, Si Loo Gaadho Beela, Hayinkii Gadhqaadla, Geedilagu Xidhiidhsha

0
Friday December 27, 2019 - 12:09:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaabis Lama Hormariye, Si Loo Gaadho Beela, Hayinkii Gadhqaadla, Geedilagu Xidhiidhsha

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

GEEL DHAQASHADIYO,RAGGU WAA ISGRAB YAAL,

GEEDI LAGU LALABAYO, GUURAYAANA REERUHU,

GIBIL MA DAADSHE AWRA,UBAD LOO GUREEYAA,

GAABIS LAMA HORMARIYE,SI LOO GAADHO BEELA,

HAYINKII GADHQAADLA,GEEDI LAGU XIDHIIDHSHA,

GAALGAALIS MOOYEE,GODOL KUGUMA DEEQDOO,

GOROF LOOMA CULAYO,GABNO LAMA BANAYSIMO.

RAGGUNA WAA GEDAASO,GOLE WAXA LA GEEYAA,

GARASHIYO NIN DIINLO,WAAJIB EBBE GUDAN KARA,

GADAAL FULE KA BAQAYA,GARMAQAATE MURANLAH,

GACAL LAGUMA AAMINO,GEEDNA LOOMA SOO DIRO,

GARINA WAA GEDAASO,GOLAHA ADIGA OON TEGIN,

GURIGAAGA HOOSTIIS,AYAA LAGU GORFEEYAA,

GOLDALOLADEEDIYO,GURAC LAGAMA BAADHEE,

XAQAA LOO GARGAARA,GUDOONKA LA QAATA,

GOBANIMADU WAA TAAS,IYO GEESINIMADUBA,

GUULE TIISA WEEYEE,DOORASHAA LA GELAYAA,

DADKA SOO GURAYSAN,GABDHAHO IYO WIILKABA,

GARASHIYO AQOONIYO,GAR ILAAH KU SOO XULA,

LA GURGUURTE LAALUUSH,GADANAAYA ODAYADA,

KU GABADA QABIILOON,GAAR AHAAN IS BIXIN KARIN,

ISKA DAA GUDOONKOO,GOLEYAASHA YUU IMAN.

GACANTAA KU HAYSAAN,GUUSHEENI MAANTEE,

WAA HADDAASE GARATAAN,AMA INAN GUMOOWNAA.

   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...