Canbaareyn Xadhiga Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga ucid maxamuud Ali Salebaan Ramaax ,
Xadhiga Ramaax maaha xaq dastuuri ah!!
Dastuurka Qaranka ayaa Qiray in Xoriyadu muwaadinku tahay xaq dastuuri ah !
Aniga oo ka
shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee
Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan
qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 farqadaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20. Aniga
oo ka duulaaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee
dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.
Aniga oo
tixraacaaya Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 27-aad
farqadiisa 1-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee
lama taab taanka ah. Sida uu qeexaayo Xeer Lr 14/2001 qodobkiisa 20-aad
farqadiisa 1-aad waxaa la buriyey isla markaana la ixtiraami
waayey xasaanadii masuulnimo iyo tii xisbinimo ee masuulkaasi
lahaa, maadaama aan masuulkan lagu qaban isaga oo fal danbi gacanta kula
jira ee lagu haysto uun hadal yar oo uu yidhi, waxaa xadhigiisu uu baal
marsan yahay Dastuurka Qaranka Somaliland iyo dhamaan xeerar ka
caalamiga ah ee xuquuqul isnaanka ee kor ku xusan.
Dhammaan qodobadan badan ee kor ku xusan ee ay kow ka
yahay qodobka 27-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland waxay gebi ahaantood si cad u qeexayaan xasaanada iyo
xuquuqda Bani-aadamka waxaanay reebayaan in muwaadin fikirkiisa,
aragtidiisa iyo hadal uu jeediyey loo xidho isaga oo ah Xoghaye ka
tirsan xisbi mucaarid oo liisan u haysta in uu naqdiyo oo
toosiyo dawlada jirta markay turun turooto ama liicdo oo lulantaba.
Waxaa dhamaan xeerarkan kor ku xusani ka wada digayaan in
aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan
xeerarka caalamiga, sharciga islaamka iyo shuruucda Dastuurka JSL haddii
aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab
iyo xadhig ku mutaysan karo. Waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu
xad-gudbo xuquuqda shakhsiga loona isticmaalo car juuq dheh, awood
dowladeed iyo mid ciidan, isaga oo aan lagu qaban isaga oo denbi faraha
kula jira.
Waxaanu xukuumada cod dheer ugu sheegaynaa in Xoghaye
Ramaax oo ahaa Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Ucid in xoriyadiisa
oo buuxda si deg deg ah loogu soo celiso. Sida xukuumada talada haysaa
jejceshahay marna Madaxda Xisbiyada mucaaridka laguma sandulayn karo
cago jugleyn , xadhig iyo garbo duub. Waxaanu magaca muwaadinkan u
gudbiyey saaka oo ka diiwaan gelinay haydaha udooda xuquuqul insaanka
ee ka hawlgala wadanka ingiriiska ku waas oo Xukuumada su'aalo taban ka
waydiin doona Xadhigiisa waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:
1- Amnesty International. ...
- 2-Bail for Immigration Detainees. ...
- 3-Campaign for Freedom of Information. ...
- 4-Charter 88. ...
- 5-Electronic Frontier Foundation. ...
- 6-European Human Rights Centre (EHRC) ...
- 7-Human Rights Watch. ...
- 8- Islamic Human Rights Commission
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...