Ururka Solja Oo Soo Bandhigay Tacadiyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Ku Hayso Warbaahinta Madaxa Banaan
Hargeysa(HWN):-Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa si adag uga hadlay tacadiyada ay suxufiyiintu kala kulmayaan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
![]() |
War saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) ayuu ku soo bandhigay weriyayaal la xidhay, qaar maxkamadaha la horkeenayo iyo xayiraado ay madaxtooyadu saartay telefanada suxufiyiinta.
War saxaafadeedka ka soo baxay gudoomiyaha ururka Solja ayaa u dhignaa sidan:-
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda.
Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka
Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay
ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay
dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor
istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi.
Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo
Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay,
kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan
xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka
jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay
isticmaalaan.
Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay
madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah
wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb
gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid
iyo aflagaaddo ku sameeyeen.
Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah
saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee
imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor
istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso.
Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u
aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u
danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda
iyo xukuumadda.
Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay'addaha
warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka
hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin
cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka.
Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal
inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha SOLJA