Jiilkii casrul-dahabka fanka Soomaalida...W/Q Hassan Garnayl

0
Friday December 27, 2019 - 00:58:29 in Articles by
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jiilkii casrul-dahabka fanka Soomaalida...W/Q Hassan Garnayl

    Jiilkii casrul-dahabka fanka Soomaalida...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiilkii casrul-dahabka fanka Soomaalida...W/Q Hassan Garnayl


Jiilkii casrul-dahabka fanka Soomaalida; ka bilow hillaadii 50-tanmaadkii iyo kooxdii Walaalaha Hargyasa; malaha wada garate habalahii iyo wiilashii bilnaa ee badi magacoodu xarafka 'M' ka bilaami jirray, illaa dhalinyaradii 70-tanmaadkii iyo 80-tanmaadkii kootada ku haystay dhagaha Soomaalida, waa maddalayaashii kooxdii Waaberi iyo kuwii dhiggooda ahaayee, waxaan ugu booqasho yaray AHN Axmed Mooge Liibaan, sannadka dhan ayaan mar iyo laba si shila uga ka soo hor baxaa, laakiin cagsigeeda dhalinyaradu aad bay ugu xidhanyahiin Axmed.

Image may contain: 1 person


Waxaan ka qiyaas qaatay, marar aan xaadiray caweysyo dhalinyaradu iskeed Cuud u tumunayso, fanaanka ugu badan ee ay heesahiisa qaadaan isaguu ahaa. 'Aan Damaq Jacayl iyo Nugul' baa ka mid ah kuwa gacanta loogu fadhiisiiyo, markay Giitaarka la raacayaan. Dhalinyarada uu Axmed beer qaaday, waxaa ka mid ah sxbkay Khadar Gureyte, maalin ba mid baa u daaran. Hadda waxay u maraysaa "Bal illaali ajashaa, Aakhiro dhib weeyoo, Kama eed baxaysidee".


Waxay u badantahay innuu cimrigii gollahaygu gabo gabo yahay, oo uu isna iskaga biiri teamkii naafada caashaqa ee uu Maxamed Boosh guddoom jiray, anna aan halkii buurtii Goobsoor team Khadar Xariir boos ka cidhiidhsan doono. Waa golle wanaagasan oo laga taageero madaxweynaha qaranka Somaliland mudane mideeye Muuse Biixi Cabdi. Bunka markaad laba jeer fiiqsato ba, wax qabadka xukumaddaa lagu dikriyaa.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...