Booqashadii Madaxweynuhu Ku Tegey Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Iyo Geeridii Wiilka U Dhintay Ogsajiin La'aanta.
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
BOOQASHADII MADAXWEYNUHU KU TEGEY CISBITAALKA GUUD EE HARGEYSA,
IYO GEERIDII WIILKA U DHINTAY OGSAJIIN LA’AANTA.
ILAAHAYBA WAX BADBAADSHE,HADDAANU BAANAN KARAYN,
BUKAAN RUUX LAGU KEENAY,NAFTIINA AY UGA BOODAY,
BAAHI DAAWO DARTEEDOON,BAABUUR MID LAGU QAADIYO,
BOODHO (MOOTO)LOO HELI WAAYEY,BILAAYO WEEYE ADUUN.
BOOQATEE MADAXWEYNE,BURBURIYOO MEESHA KA GUURA,
BALOODHEEYO ISKA IIBYOO,BOQOLKA QAATA MACAASHKANA,
BAADHIS WEYN KU SAMEEYO,MIDNA YU KA BADBAADINOO,
BERTO SII KALA DAAYOO,BALAAG LIIS HA GALAAN.
FARMASIIYADA BUUXEE BELEDKEENA,DHAMEEYEY BOCADA KU WAREEJI,
BILO AYNU KU EEGNO WAX INAY BEDELAANO,DADKA BAYLAH TIRAANE,
BARBAARTA TUBAN SUUQEE,JAAMACADII KA BAXAY,CAFIMAAD HA BARTENE,
BADH CAMOOD KU XAREEYA,ADNA SII BOQOLAAL,XAMAR BAAQIGA GEEYA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!