Mushkiladda U Weyn Ee Somaliland Xambaarsantay Waa Madaxweynihii Oodistoorkii Ka Sareeyah.

0
Wednesday December 25, 2019 - 17:56:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mushkiladda U Weyn Ee Somaliland Xambaarsantay Waa Madaxweynihii Oodistoorkii Ka Sareeyah.

    Waa Madaxweyne kasta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Madaxweyne kasta

Dhibaatada SOMALILAND haystataa waa dhibaato  aynu 1991kii kasoo bilawnay waana mid dhabarka wadanka ka jebisay oon sinaba wadanku jahawareer uga bixi karin haddaan wax laga qabanna burburbay keenaysaa iyo dagaalo sokeeye goor ay noqotoba way imanayaan.



Dhibaatadani maaha Madaxweyne Muse oo qudha waa dhibaato horuujirtay irina diinta haddaan Distoorka wax laga bedelo . Madaxweyne wax ka bedelayaa ma dhacayso waayo ninna power loogu qaadatay ma celinayo. Kacdoon iyo Burbur hubaa ina sixi kara wixii soo hadha.Madaxweyneyaashii hore kuwa soo socda ee waa dhibaato ah inaynu sharcigii iyo distoorkii Madaxweynihii ka saraysiinnày oo mid kastoo yimaaddaa wadanka wuu ku tagri falayaa , qabaailkana wuu iska horkeenayaa waayo sharcigii qabanlahaa Madaxweyne ayaa isagu ka sareeyaa waa ta keentay inaanuu doorasho baarlamaan qabanayn mid guurti qabanayn mid dawlad hoose  qabanay ciduu  doono eedayn karo  ciduu doono lacagta ku kharaj garayn karo oo madaxweyne sharcigii ka sareeyo kii yimaaddaa waa kii kale.

 

Madaxeyne xaq uma leh inuu Baarlamaanka lacagta u hayo xaq uma leh inuu Guurtida lacagta u hayo  xaq uma leh inuu Maxakamadaha soo xulo inuu maxakamadda sare isagu miisaaniyadda u hayo xaq uma leh inuu xusbi miisaaniyadda ka joojin karo. Xaq uma leh  inuu commissionka doorashooyinka soo xusho miisaaniyadda u hayo.  Baarlamaanadu xaq uma leh Commission ka inay soo xushaan sidani waa awrtii kii u horeeyey kii u dambeeyey lagu xidhay  ee meeraystay. MEERAYSIGU WUU JIRAY ILLAA WAQTIGII CIGAAL LAAKIIN  LABADAN MADAXWEYNA EE U DAMBEEYEY SPEED KII BAY SII KOR DHIYEEN MUSHKILADDA UGU WEYN EE WADANKA SOMALILAND KU BURBURAYAA WAA MADAXWEYNAHAA LAGA SAREYSIIYEY DISTOORKII YARAA  , TANAASILKA LA AMMAANAANA WAA WAXA SOMALILAND  GAWRACAY EE DILAY, ADDUUNKA MEEL DISTOOR JEBIN TANAASUL LAGA SAMEEYAA MA JIRTO U FIIRADA  QURAANKU WAA DISTOOR ALLAH SOO DEJIYEY AAYAD AMA AAYADO TANAASUL LAGA SAMAYN KARAA MA JIRAAN MARKAA QALADKII BAYNU SAX KA DHIGANAYNAA. DADKA U MALEEYA INAY SIDAN WAX KU DHEEFAAN OO DHAMI AMA MADAX HA NOQDAAN AMA SHACAB HA NOQDAAN OO DHAMI WAA BISADDII SOOFAHA LEEFTAY EE CARRABKU KALA GO AY  EE DHIIGEEDII MOODDAY INUU SOOFAHA KA YIMI EE LEEFLEEFKII KU CELCELISAY  EE HALKII KU DHIMATAY.

 

Mucaaridku waa hay'addihii qudhahaa ee loogu talagalay inay toosiyaan Xukuumadda iyana waxaa lagu qasbaa intay shaqadoodii xoog lagaga qaado oo ha hadlina la yidhaa iyagaa qaldan lagu dhaleecceeyaa oo beena. Inuu Madaxweynayaashu sharciga ka sareeya Moran kuma jiro waxaa ku cad xoolo gurasho waxaa ku cad distoor jebin waxaa ku cad doorasho diid iyo kordhin xaaraana waxaa ku cad haydihii oo laga dhigay shaqaale lacag lagu iibsado waxaa ku cad dad gaboobay oon xammamka geli karin hadli karin fokiri karin in kursyada lagu hayo.


Baarlamaanka labada gole in doorasho lala sugo maaha waa in 20 iyo 20 qof indheer garada oo care takers ah inta doorashadu 6 bilood ku dhacayso la dhigaa iyana la dareeriyaa. Waxaa Madaxweynaha sharciga ka sarreeya ayey ka soo fulayaan. Muse uun kama hadlayo hubaal Madaxweyne kasta oo kursigaa SOMALILAND ku fadhiistaa markuu xafiiska qabsadaa buu waaalanayaa maxaa waxay Distoorkii wadanka ayuu ka sareeyaa wuxuu doono ku kacayaa. Markaa SOMALILAND  BAM weyn bay ku fadhidaa oo saacad duu doono inala qarxaya waana hubaal taasi.

 

Wax kaloo wadankan ka qaldan ma jiraan waa madaxweynayaasha Distoorkii laga saraysiiyey oo burbur iyo dad ay toos u toogtaan way soo socotaa xadhig baa ka hadlaysaane. xisbiyada Madaxdooda in la toogtaa soo socota la isa sumeeyo iyo wixii la mida.

 

M Bashe

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...