Machadka Heritage Iyo Mad Madowga Ku Xeeran. WQ/Rashiid Odowaa

0
Wednesday December 25, 2019 - 17:50:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Machadka Heritage Iyo Mad Madowga Ku Xeeran. WQ/Rashiid Odowaa

    Kolka hore waxan u mahadnaqayaa xukuumadda Jabuuti ee samaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolka hore waxan u mahadnaqayaa xukuumadda Jabuuti ee samaysay
Gole aqoonyahnka Somalidu isugu yimaaddaan,waxa kaloon u mahadnaqayaa Aqoonyahankii Dhinaca Somaliland ka tagay ee ay ugu Horreeyaan Dr Bulxan iyo Sucaad,intaas ka dib waxan doonayaa inan halkan ku soo bandhigo madow badan oo dul hoganaya madashan sanadihii ugu danbeeyay lagu qabanayay jabuuti ma madal loo dhan yahaybaa ? waa maxay Siyaasadda ka danbaysaa?

 

Machadka heritage waxa la aasaasay 2013 waxa xubno ka ah ama madax ka ah Machadkan madaxda xukuumadd Federalka Somalia, waxana dhismihiisa gacan ka gaystay Xukuumaddii Xassan Sh maxamuud,aragtida uu ka duulayaa ama uu taageerayaa waa Siyaasadda xukuumadda Somalia iyo Dastuurka loo qoray ayuu ka shaqeyaa sidii loo hirgelinlahaa sidaas darteed waa dhinac keliya ayaan odhan karaa,maaha mid matali kara dhamaan inta Somali ka koobantahay.

Machadkani Waxa uu u muuqdaa in la buun buuniyay oo martaba aanu lahayn la gaadhsiiyay sida ka muuqatta magaciisa oo noqonaya (Dhaxal reeb) waxa loo ekaysiiyay sida Chevening House ama Harvard University oo jiray muddo qarniyaal ah,sadexdii sano ee u danbeeyay waxa uu soo qaban qaabiyay shirar la isugu keenay aqoonyahano Somali ah iyo wasiirro Xukuumadda Somalia ka tirsan iyo dhowr qof oo u ololeeya Somali wayn (Unionist) lakin u dhashay Somaliland iyo dhowr qof oo Somaliland laga casuumo,Nuxurka shirkuna wuxu ku soo Ururraa Reer Somaliland hadaad tihiin maxaad uga baxdeen Somalinimadii arrintaas oo ah majara habaabin iyo wax aanay waxba ka jirin.

Anigoo aanay iga ahayn inaan ka xaasidayo guulo ay gaadheen ama doodo ay u qabteen dadka Somalida ee geeska Afrika deggan waxan qabaa machadkan marti loogama noqon karo aqoon iyo cilmi baadhis markan ka eegno xagga duruufaha amni ee ku xeeran Somalia taas oo aan suurto gal ka dhigayn in la sameeyo cilmi baadhis la isku hallayn karo,mana hayaan xog rasmi ah ee woxodu waa male awaal iyo haypothesiss mar haddi qofka samaynaya daraasaddu aanu tagi Karin goob kasta la iskuma hallayn karo cilmi baadhistaas.

Marka runta loo dhabbo gala ma jirto raad raac la raaco iyo qoraallo research ah ama cilmi baadhis aan ka ahayn dhowr paper oo ay ka qoreen intii 1960 kii ka danbaysay iyo siminaar ay ku soo qabteen degaanka Gaarisa.

Dhamaan jaamacadaha ku yaalla Somaliland way ka da’waynyihiin kana fursado badanyihiin marka loo eego dhinaca nabadgelyada marka la bar bar dhigo Machadka Heritage sida sida jaamacadaha Camuud University ,hargeisaUniversity iyo Akademiyadda nabadda Somaliland, waxay heleen fursado iyo waayao aragnimo badan oo aanay Helin ama haysanin Heritage oo ay cilmi baadhis ku sameeyeen ama ay ku samayn  karaan mar kasta iyo goob kasta waxana hubaal ah in xogta taallaa kun jeer ka badantahay ta ay hayaan Heritage.

 

Dhinaca kale jaamacado miyanay lahayn ama aan aqoonyahan joogin dhulalka geeska Afrika ee ay deganyihiin  Somalida kale sida Jigjiga,Garoowe,Kismaayo,Gaarrisa,Jabuutti Taasina waa su’aal isweydiin u baahan, Haddii shalay caddaalad darro Somali kala kaxaysay waa maxay maanta iyadoo la leeyahay waxan raadinaynaa Somali identity ama isir Somali maxaa keenay Caddaalad darrada School gaar ah aqoontii umadda loogu afduubayaa.

Suaalahaas oo dhan ayaa u yaalla machadka iyo dadka soo abaabulaba,iyo cidda taageeraysa haddiise ay tahay meel ujeeddo gaar ah laga watto oo dabada laga riixayo taasi waa howl kale.

Waxan odhan lahaa guntii iyo gunaandkii machadka Heritage maaha mid ku hadli kara afka dadka Somalida ah ee waa Muqdisho oo keliya ayuu ku kooban yahay waxa uu wadaana waa Haan gu la’

 

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...