Loollanka U dhexeeya Warbaahinta Casriga ah. W/Q: Cali Cabdi Coomay
ugu qadarinta badani ka doodayeen sidii
ay warbaahintii asalka ahayd ay isaga dhicin karto warbaahinta casriga ah ee
SOCIAL MEDIA. Waxa aragtiyo kala duwan laga qaaday dhawr suxufi oo qaarkood ay
haatan shaqeeyaan, halka kuwa kalena ay hawlgab noqdeen oo talo la weydiiyey. Aragti-wadaaga
waxa laga eegay dhawr dhinac oo ay ugu mihiimsan tahay sida loola tartami lahaa
warbaahinta bulshada (Social Media) oo farabaas ku haysa warbaahintii adduunku
ku xidhnaan jiray ee lahayd Wargayso, Tilifiishanno iyo Idaacado. Doodda ayaa
badhi-taageeraysay aragtidii hore looga qabay in SOCIAL MEDIA uu xeradooda
bi’in doona dhammaan warbaahintii ay dunidu hore ugu xidhnayd.
Waa miiska la soo saaray sida aan la isaga
indhatiri Karin ee uu warkii adduunka ula wareegay FACEBOOK iyo TWITTER oo ku
abtirsada Social Media. Suxufiyiinta qaarkood waxa ay doodda bulshada kula
wadaageen sida ay wargaysyadoodu isaga dhiciyeen warbaahinta bulshada ee ay
weli u haystaan kaalintii ay ku lahaayeen suuqyada iibka adduunka iyo sida ay
dhulka ula dhaceen wargaysyaddii aan waxba iska weydiin is-beddelka hawliga ku
socda ee adduunka ka socda. Kuwa aan la jaan qaadin tartanka socda waxa uu
xaalkoodu ku soo ururay halhayskii ahaa ‘Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana’.
Ugu horrayn waxa mikarfoonka
qaadatay suxufi Martin Baron oo ka
mid ah tiirarka uu ku taagan yahay wargayska afka dheer ee WASHINGTON POST,
hasayeeshee da’da hawlgabka galay sannadkii 2012. Wuxuu soo bandhigay siday ay
ka wargays ahaan uga fal-celiyeen tartanka ay warbaahintii asalka ahayd ku
hayso Social Media. Wuxuu sheegay inay dib-u-habeyn gun iyo baarba ah ku sameeyeen laamaha wargayska, oo ay meesha
ka saareen in la iska aamino inay bulshada adduunku iyaga ku xidhan tahay uun.
Wuxuu yidhi waxaanu libinlaabnay suxufiyiintii wargayska ee adduunka ku kala
sugnaa, si aanu u helno war aanay haynin Social Media. Waxaanu meesha ka
saarnay in aanaan waxba ka qaadan wararka la inooga horreeyey ee ku jira Social
Media. Waxa isna hadalka qaatay suxufi Alan
Rusbridger oo reer Ingiriis ah horena tifaftiraha ugu sarreeya ka ahaa
wargayska THE GUARDIAN, sidoo kalena ah ragga mus-dambeedka u ah wargayska, ayaa
dhiniciisa soo bandhigay aragti aan aad uga fogeyn tan Baron. Waxaanu sheegay
in wargayskoodu uu adeegsado Barnmaamij (Soft ware) lagu ogaanayo warka ku jira
warbaahinta bulshada (Social Media) ee suuqyada ka horgalay ee aan mudnayn inay
mar labaad baahiyaan.
Ka dibna waxaanu suxufiyiintayada
u dirnaa war aan ahayn ka ku jira Social Media, si aanu u haysano indhaha iyo
dhegaha akhristayaasha. Wuxuu soo bandhigay sida aan wakhti xaadirkan loogu
baahnayn in wararka iyo warbixinaha aan looga dhigin kuwa dhaadheer sidii toban
sanno ka hor ay ahayd. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in sida keliya ee lagula
tartami karo SOCIAL MEDIA ay tahay in loola dhaqmo siday u dhaqmayaan oo ah
wixii ummadda loo baahinaayo laga dhigo ‘Short
and Sharp’, waa laga tegay wakhtigii dadku ay ku khasbanayeen inay sugaan
warka wargayska ee soo gucleynaya.
Daniel
Okrent oo ka mid ah suxufiyiinta aan dabadood la hadal marka
loo yimaado wargaysa saameynta badan ee NEW YORK TIMES ayaa aragtidiisa ku
bilaabay sida uu Social Media bulshadii ula wareegay ee ummaddii u dareersaday.
Waxaanu hoosta ka xariiqay in dadkii loo soo dhexmaray Tilifoonadda gacanta
(Smart phone), oo wararkii oo la soo rifay iyo sawirradii laga haqabtiray. Wuxuu
sheegay inay Social Media ay geliyaan wararka oo kooban, isaga oo faahfaahsana
ay ku qoraan wargayska, si aanay farahooda uga bixin akhristayaashii wargaysku.
Wuxuu sheegay in dagaalkii ugu horreeyey ee uu Social Media ku soo qaado
wargaysyada uu ka faramaroojiyey dhammaan xayeysiisyadii ay ku noolaayeen.
Dunida maanta xayeysiiskii wuxuu galay
gacanta Social Media. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in wargaysyadu ay albaabada
laaban doonaan haddii aanay ku baraarugsanaan khatarta kaga soo fool leh Social
Media, oo ay suurtagal tahay in suuqyada adduunka laga cidhibtiro.
Wargaysyadii Soomaalidu Halkay Taagan yihiin?
Waxa aanu shaki ku jirin in wargaysyada Soomaalidu aanay la socon tartanka xawliga ku socda ee adduunka ka taagan. Dhammaan wargaysyada ka soo baxa Hargaysa waxaad aroor kasta ku arkaysa wararkii xalay ama shalay ay qorayeen Social Media oo aan biyo is-marin. Shaki kuma jiro inuu iibkoodi hoos u dhacay waayo tartankii ayey dib uga dhaceen. Haddii ay soo qoraan war ka baxsan kan Social Media-ha ku jiray xalay ama shalay shaki kuma jiro inay suuq iib heli lahaayeen. Waxa ay u baahan yihiin inay shaqaalaysiistaan suxufiyiin badan oo u soo dira warar aan ahayn kuwan ku jira Social Media. Haddii ay sidan ku socdaan beri dhaw way is-waayi doonaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!