Dhunka-shadda Abeesadu Waa Arimi Kugu Maqan ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 25, 2019 - 17:39:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhunka-shadda Abeesadu Waa Arimi Kugu Maqan ( Abdi-Shotaly).

    Qofka maan gaabka ah, ee wuxuun iska bawsadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka maan gaabka ah, ee wuxuun iska bawsadda,
sidda askarigan maskax feredka qaba ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uma kala soocna waxa la yidhaaho beenta, munaafaqadu iyo farsamadda ay ku shaqays-taan af dhabaan-dhabku, sidda jirji-roolaha kolba shaadhka uu is yidhaaho wax baad ku cunaysaa soo xidha, waa waxad tidhaahaan " Siyaasada'e ". Hadba r uuxa aan diin iyo iimaan lahayni, wuxuu hoos imanayaa siddii uu kitaabka Eebbe inoo qeexay, ee uu ina yidhi, waxa ka mid ah calaamaadka munaafaqa:-


(1) "Idaa Wacadda khalafa" Oo Micna-heedu yahay, haddii aad balan-taan ama aad wacad dhiga-taan, wuu ka baydhaa wixii la isku ogaa, ee aad ku heshii-seen, oo weliggii ma oofiyo, wuxuun buu ku jiraa dabaka wareeg, dhabar jebin iyo bal sidan ku day in ay kuugu dhasho, marka aad aragto qofka noocaas ku sifoobay, waa in aad ka digtoonaatid, oo aad sidda wisikh-dda uga durugtid, iska daa macaamilo idin dhex marta iyo wax aad wadaag-taane, waayo haddii aanu qofku qawl lahayn, waa xaaraami illaahay ka go'ay, sidda ka ku jira Guriggii moorgan ee "Xaafad-tooyadda" loo yaqaano.

(2) Qodobka labaad ee lagu garto munaafaqa, isna waxa weeye " Idaa Amina Khayana" Oo micna-heedu yahay, haddii aad aaminto wuu ku khiyaameeyaa. ee kaasna wax ha ku darsan, ee sidda nijaasta ul dheer iskaga fogee, wax aad isugu timaadaana yaanay jirin, waayo sidda doofaarka buu cad xaaraani ku yaalaa ( waa iimaanka'e) y, oo weliggii ma daahiro sidda ninka kor ku yaala,

(3) Qodobka sadexaad waxa weeye ka ula baxeen " Siyaasaddda" oo ay kuugu maladaha-yaan, in ay yihiin saddex wejii-layaal, dadka kolba af kulla hadla isaga oo doonaayo, in xumaanta uu hoosta ku wato, malab kuu mar-mariyo. waxana uu ku shaqeeyaa mabda'a ah " Nimaad qali qamuun-yadda ka dhawr, oo foolasha u qaaw"i, taas oo fasilaa-deedu tahay, ha tusi in aad dilayso ee si qarsoon aakhiro ugu dir, haduu iska kaa qaran waayo. soo kooboo axa weee " Si aanu kuu garan, oo uu iskaga go'o, maan iskaga gallo"

Waxan intaa ku sii darayaa, oo isla kitaab-keena ku taal, ahna qawlkii Eebbe ee quraanka " Rabbi ayi-aalaayi, Rabbi Kumaati Kadibaan" oo sharaxeedu iyana yahay hoog iyo ba' waxa leh kuwa beenta sheega. Aayad kale baa iyana waxay ina leedahay "Weylun yaw-maydin, lil-muka-dibiin" iyana waxay inoo iftiimi-naysaa " In beenaaluhu Hoog iyo ba' la kulmo, sidda Aayadda sare aan ku bayaamiyey. Muwaadin isku soo wadda duub, inta aan sare qoray, oo saw kuma cadda askarigan ah " Jaahil, murakab, murabac ( A squarely cubic ignorant), weliba mid aqoon la'aan uga dhacday maaha, ee waa mid uu u badheedhay, oo ay ku beertay Cuqdadda uu ku barbaaray ilaa hadana meel walba dhaamisay, oo aanu geed-na isugu soo toosin, weliba cariigsi u samay-naayo sidaas, saw kuma cadda kolkaas, calaamadaha munaafaqa iyo arimaha ay ina tusayaan Aayadaha kor ku qorani, ilayn hadal laguma daalo'e.

Waxan ku soo xayn-daamay maqaalkan isaga ah, Somalidu waxay ku maah-maah-daa " Madala murti baa laga yidhaahaa, Masaajid-na Kitaab baa la dhig-taaye" Waa iska cayn-kaase, Wax allaale waxan soo sheegay oo dhami, waa dhaqanka askariga iyo ka iska daba kadleeya " Geenyo Shaaximan" ujeedadda iga dambaysaa waxa ay tahay ummad yahay, Heshiiskii uu la galay labadda Xusbi Mucaarid kan asakriga ahi daraad, shalay buu xididadda u saraay, oo dib u soo celiyey kuwii la lahaa bedel, oo uu weliba yidhi bal ii xaal warama? Waxan doonayaa in aan dede-jino doora-shadda, ee maxaa ilaa hadda idiin qabsoomay? Maxaa idiin hadhay ee aad rabtaan? Kadaab-ibnal-kadaab" xaaraami ah saw maaha?, Aan bani'aadamka ka mid ahayn, ma kaas baa illaahay xash ka aqbalayaa baad is leedihiin? Ilayn xoolo aabihii lahaa oo uu uga dhintay ( dhaxal ah) ama uu shaqaystay mid-na kuma uu soo xashine?. Waxan ku soo xayn-daamay qoraalkan. Labadda nin ee xiirani ( waa ka Ucid iyo Waddaniye), Bal waxay Heshiiska kula galeen ha is weydiiyeen? Ma waxay ku qanceen in loo furo gunaddii loogu dari jirey Maali-yadda oo qudha?

* N.B Runeey Lagu Neceb, Oo Nina Kuma Rabo!
Qore:- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...