Muuse Biixi Muxuu Maanta Inoo Sheegay?, Tallo Soo Jeedina Waan U Dirayaa..W/Q Garyaqaan Abdinajah Ahmed
Muuse Biixi Muxuu Maanta Inoo Sheegay?, Tallo Soo Jeedina Waan U Dirayaa..W/Q Garyaqaan Abdinajah Ahmed
Waxaan hadda daawaday khudbadda uu madaxwayne muuse biixi abdi ka jeediyay bandhigi carwadda warshadaha dalka, waxa uu madaxwaynuhu ka hadlay doorashadda golaha wakiiladda iyo golaha deegaanka in ay hor taagan yihiin saddex qodob.
1: dhaqaale la'aan madaxwaynahu waxa uu sheegay in caqabadda ugu muhiimsan ee hortaagan doorashaddu ay tahay uun dhaqaale la'aan.
2: madaxwaynuhu waxa uu sheegay in ay caqab kale tahay saami qaybsiga kuraasta baarlamanka oo ay iyana khilaaf ka taagan yahay.
3: madaxwaynahu waxa kale oo uu sheegay in ay caqabadda saddexaad tahay khilaafka gudiga doorashooyinka qaranka, isagoo madaxwaynuhu tilaamay labadda qodob ee danbeba in ay fududahay sida loo xalinayo laakiin qodobka dhaqaale la'aantu uu yahay ka ugu adag ee hortaagan qabashadda doorashadda golaha wakiiladda iyo golayaasha deegaanka.
Soo jeedin.
waxaan bulshadda rayidka ah, ganacsatada, qurba joogta, shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha rayidka ahba usoo jeedin lahaa in ay ka qayb qaataan qabsoomida golayaasha baarlamanka iyo kuwa deegaankaba, waxaan soo jeedin lahaa in ay xukuumadda kala dabaashaan qodobka koowaad ee ah in ay dhaqaale la'aani jirto, inta dhaqaale la helayana aanay dorasho qabsoomi karin.
Waxaan ku soo koobayaa aynu iska ururino lacagta lagu qabanayo doorashadda golaha wakiiladda iyo kuwa deegaanka ahba si aynu u doorano gole baarlamaan oo cusub iyo gole deegaan.
Garyaqaan Abdinajah Ahmed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...