Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka
Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo
sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan
ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29
kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah
kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo
shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka,
sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo
aanay marnaba qalbi-jebin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.
"Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo
iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay
diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo intii horey loo
diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda.
Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna
xuquuqdooda si toos ah ugu helaan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay
dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in
dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska
Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii
ka horreeyay.
"Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo
baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay
hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga,
waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%,
marka loo eego sanadkii ka horreeyay.”
Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
DHAMMAAD