Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Cusbitaalka Guud iyo Wiilkii Ogsajiin La'aanta U Dhintay...W/Q Siciid M. Gahayr

0
Wednesday December 25, 2019 - 11:40:07 in Articles by
  • Visits: 1631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Cusbitaalka Guud iyo Wiilkii Ogsajiin La'aanta U Dhintay...W/Q Siciid M. Gahayr

    Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Cusbitaalka Guud iyo Wiilkii Ogsajiin La'aanta U Dhintay...W/Q Siciid M. Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Cusbitaalka Guud iyo Wiilkii Ogsajiin La'aanta U Dhintay...W/Q Siciid M. Gahayr


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa booqday cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kaddib markii 24kii saacadood ee u dambeeyay lagu faafiyay Warbaahinta wiil ugu dhintay Ogsajiin La'aan. Waan ku bogaadinayaa inuu Madaxweynuhu ka jawaabay dareenka ummadda.. Waxaanan sugayaa tallaabada lagu saxo dawo-la'aanta iyo adeegxumada ka jirta cusbitaalka Guud ee Hargeysa.



Warka naxdinta leh ee wiilka ugu dhintay Ogsajiin La'aanta cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu wiilkaas aabbihii tebiyay ayaa u dhignaa Sidan:


Dadku wuxu ku noolyahay Neecowda weeyee, Ma Noolaado Ruuxay Iska taagto
neeftuye(Abwaan Cabdi Aden Qays)


Geeridu waa Shayga kaliya ee la hubo, Allaha u Naxariisto Inankeygii marnaba Wakhtigiisa Muu dhaafeen, lkn Waxa raad xun oo damqashadeeda leh aan kala kulmay 21/December/2019 Hargeysa Group Hospital,waxan keenay inankeyga AUN 6.30 Fiidnimo isagoo Aad u xanuunsanaya islamarkaasna ay ku xidhantahay Oxygen uu lahaa Ambulance private ah kadib markii Ampulancekii Cusbitaalku uu igu qaatay 3 saac helitaankiisu,

Image may contain: 4 people, people sitting

markii aan keenay Cusbitaalka Qaybta Emergensiga wuxu dhakhtarkii heegan ku jiray ii sheegay in Xaalada inanku ay ka soo rayn doonto lkn uu caawa u baahanyahay 3 haamood oo oxygen ah, Cusbitaalkana janay ku haynin wax oxygen ah, waxan weydiiyey goobta laga heli karo ,wuxuu dhakhtarku ii sheegay in dadku ay meel private ah ay ka soo iibsadaan,waxanu ii tilmaamay Goob ku taala kantroolkii hore ee Galbeedka hargeysa,


Gaadhi ayaan qaatay 730 PM ayaan goobtii gaadhay, waxa jooga inan washman ah wuxuu ii sheegay Telefoon uu hayo Masuulka Xaruntani,waan lahadlay waxanan ku idhi qof aad u xanuunsanaya ayaan oxygen u doonayaa wuxu I waydiiyey Weel faaruqa ma sidataa,waxan ishi maya,waxa kaluuya I weydiiyey Cusbitaalkee ayuu ku jiraa Bukaanku waxan ku idhi Hargeysa Group Hospitaal,wuxu iigu jawaabay Cusbitaalkaasi Weel hore ayaa naga lumay oo idin sin kari mayno weel kale,


waxa 8 fiidnimo la iga soo waxay Cusbitaalki iyadoo la igu wargaliyey in Xaaladii inanku ka sii darayso maadaama ay Dhammaad ku dhawdahay Haantii Oxygenta ahayd ee ku xidhay ee uu lahaa Ambullancka privatku, Ninkii xarunta oxygiintu oo aanu telefoon uun ka wada xidhiidhaynay, 2 saacadood oo telefoon ka dib wuxu naga ogolaaday in aan qaadano oxygenation 260dollar oo deebaajiga Haantana Zaad ayaan ugu dirnay Waxan ku soo Noqday 9 habeenim Qaybtii ICU Wardka Inankii oo ay naftu Ka baxday, la dib markii ay Oxygentii Ambulancka privatku ka dhammaatay, AUN


Inankayga Cidna uma haysto geeridiisa oo wakhtigiisa Marnaba muu dhaafeen Balse waxa xusin suldan Xaaladda uu ku suganyahay Cusbitaalkii Qaranku, 11 tobansano ka hor wakhtigii xukuumaddii Daahir Rayaale ayaan ku hayey qof bukaan ah waxan ogaa Xarun wayn oo oxygenta oo ku hextall Cusbitaalka, Dhammaan Cusbitaalada Gaarka loo leeyahay Waxa oxygenta loo Qaadi jiray Cusbitaalka,


hadaba Shacab iyo xukuumadba miyaanay Ceeb Qaranka ku ahayn in Cusbitaalkii Guud oo Madaxtooyada u jira In ka yar 300mitres in Oxygen laga waayo, billaahi Caleykum haddii xataa ogygen loo waayo bal Haama faaruqa oo goobaha gaarka loo leeyahay lagaga soo shubto haloo helo, waxa kale oo Xusid mudan Markii uu inanku geeriyooday waxan jeclaystay in Meydka aan Cusbitaalka ka Qaado oo aan Gurigii geeyo si aan u gudo galo Aaskiisa,Balse 2 saacadood ayey igu Qaadatay Raadintiisii Aakhirkiina Madaxii Heeganka Cusbitaalku wuxu I horkeenay Dirawalkii Ambulancka waxana uu igu yidhi La hawshii Dirawalka,


Diyaar ayaan u ahaa in aan waxkasta ku bixi si aan Mar uun uga baxo meesha,
Balse dirawalkii wuxu igu yidhi Anigu gaadhiga aan ku Qoranahay waa bilaa taayiro oo melina kuma gaadhsiinayo,balse gaadhiga hardtopka ah ayaan kuu soo kirayni, balse dirawalkii wuxu joogaa Gurigiisii oo Ku taala Calaamada we gaadhi keen aan kuu soo qaad,markuu xaalku noqday ila meerayso ayaan la hadlay Dirawalkii Ambulanceka privatka 10 minid gudohood ayuu iigu yimid isagiibaanan ku Qaadey igamana aha mid aan CID gaar ah ku dhalleecaynayo, lkn Qoraalkaygu waa Iga talo soo jeedin iyo in dadku ogaadaan xaalada Dhabta ah ee ka jirta

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...