Madaxweynaha Brazil oo Xasuusta Lumiyay

0
Wednesday December 25, 2019 - 09:23:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Brazil oo Xasuusta Lumiyay

    WASHINGTON. D.C — Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON. D.C — Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay xasuustiisa kaddib marki uu kufay oo uu madaxa dhulka ku dhuftay.

 

Wareysi lala yeeshay Talaadadi ayuu madaxweynahan 64-jirka ah ku sheegay in uu ku taraaraxay musqul ku taalla qasriga madaxtooyada, taasoo keentay inuu madaxa  ka dhul billaabo.

 

Wuxuu sheegay in markiiba uu lumiyay xasuustiisa, balse ay dib ugu soo laabatay aroornimadi maalinti xigtay isla markaana uu hadda caafimaad qabo.

 

Caafimaadka madaxweynaha Brazil ayaa noqday mid ay dad badan walaac ka muujiyeen tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan.

 

Afar jeer ayuu maray qalliin lagu saxay dhaawac ka gaaray caloosha, kaddib marki uu toorreey ku weeraray nin careysan bishi September xilli uu ku jiray ololihii doorashada madaxtinimada uu marki danbe ku guuleystay.

 

VOA


Loading...
Loading...