Karisma Kapoor Iyo Sunny Deol Oo Loo Maxkamadeynayo Fal Ay Sameeyeen Iyagoo Filim Jilaya

Labada jilaa ee sida weyn looga yaqaanno Hindiya iyo guud ahaan dunidaba ayaa loo maxkamadeyn doonaa eedeyn ku saabsan in iyagoo filim jilaya ay bixiyeen mid ka mid ah biraha silsiladda ah ee uu tareenka ku socdo, muddo ka badan 20 sano ka hor.
Falka
lagu eedeynayo inay sameeyeen ayaa halis galin karay habsami u socodka
tareenka, oo ay dad badan ku safraan, hase yeeshee wuxuu sababay in mid ka mid
ah tareennada la hakiyo muddo 25 daqiiqo ah.
Dacwad oogeyaaha ayaa sheegay in Atooraha iyo Atariishadu ay si sharci darro ah u sameeyeen ficilkaas, mar laga duubayay filim ay sameeyeen sanadkii 1997-kii.
Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa isku dayay inay sameeyaan loollan kiiskaas lagu hakinayo maalintii Arbacada, sida uu sheegay AK Jain, oo hoggaaminaya qareennada u doodaya labada jilaa.
Qareennada ayaa sheegay in dacwaddan markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 2009-kii, markaasoo labada jilaa ay loollan ku galiyeen kulan maxkamadda ay sameysay bishii Abriil ee sanadkii 2010-kii.
Hase yeeshee maxkamadda ayaa mar kale kiiskan diyaarisay 17-kii bishan Sitembar, 2019-ka, sida uu sheegay Mr Jain.
Marka laga soo tago Sunny Deol iyo Karisma Kapoor, waxaa eedeyntaas sidoo kale loo jeediyay , stuntman Tinu Verma iyo Satish Shah, balse ma aysan isku dayin inay kiiska hakiyaan sanadkii 2010-kii.
Maxkamadda ayaa xilliga xiga ee kiiskan la dhageysanayo ka dhigtay 24-ka bishan Sitembar.
Sanadkii 1997-kii, marka ay arrintan dhaceysay, Sunny Deol, Karisma Kapoor iyo shaqaalaha kale ee Bollywood-ka ayaa ku howlanaa jilista filimka lagu magacaabo ''Bajrang'', waxayna ku sugnaayeen tuulada Sanvarda oo ka tirsan degmada Ajmer ee gobolka Rajasthan.
BBC