Madaxtooyadda Somaliland oo Qaabishay Ciyaartooy Ka Socda Dalka Kenya

0
Tuesday December 24, 2019 - 19:22:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyadda Somaliland oo Qaabishay Ciyaartooy Ka Socda Dalka Kenya

    Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil
Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.




Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland.



Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...