Naf Wad-keed Galay Lama Waabin Karo ( abdi-Shotaly).

0
Tuesday December 24, 2019 - 17:34:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naf Wad-keed Galay Lama Waabin Karo ( abdi-Shotaly).

    Waxa jirta murti odhanaysa " Somalidu been way sheegtaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jirta murti odhanaysa " Somalidu been way sheegtaa,
ee been ma maah-maah-do, adhina been buu didaa, ee been ma dhitiyo" Sidaas awgeed waxay hore u yidhaaheen "Naf hedeed gashay lama hor joog-sado" Waxan hadaba u soo qaatay xikmadaha sare aan ku soo carabaabay, oo uu yahay ujeedka aan ka leeyahay, Somaliland way ku daysay, oo waxa ay noqotay tii loogu heesay " Naf go'ay-siyo roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo noqdo", Mida kale oo ay ku maah-maahaan xoolo dhaqatadu, baa iyana ku odhanaysa " Awr dabar la'aan dhacay, waxa cuna dugaaga", oo micna-heedu yahay, haduu awrku xadhiga loogu soohay in lagu xakameeyo socd-kiisa goosto, lama joojin karo oo faraha buu ka baxaa, aakhir-kana cidla ciirsila baa isaga oo wareegaaya bahal ka helaa, oo uu makali-hiisa qaadaa, isaga oo aan haysan wax ka celiya. Waxa cayn-kaas ka dhigan Maamul-Goboleedka Guriggii Moorgan lagu bulqaaso hilib-keedda, ee noqotay gacan Nebi ( CSW) Nin doonaw, waxa ka dilaacay baatroolkii sucuudiga, oon cidi kaa hor joogine soo darsaday koombadda. Halkaas oo ay xayawaankii hilib cunka ahaa, ay isugu habar wacdeen ( waa habar dugaage), dib-na aanu u jirin qof wax-yaheedda u soo ururiyaa, kuna dambaysay, Qanjidh uurka waraabaha ugu jira, dheg daba-gaalle la cararay, beer dacawo qaadatay, sambab ey loo tuuray, yey calooshii la tagtay, Jiifaa indhaha kala baxay, Mas dhiiggii ka jaqay iyo abeeso weli u soo gurguura-naysa ( waa maxamuud Xaashiye), Weere jeex didsaday, Xuunsho hadhaaga sugaysa ( Samaale), doorytaan iyo dibir-lax dhogortii isku haysta, tuke kolba harag dalan-dooliyi diirtay afka la dhacaaya. intaa iyo bad kaloo aan la soo koobin karin bay u qaybsan-taye, akhristaw in dib loo helaa wax-yaheeddii oo isku yaala, ka u fadhiyaa waa mid aan jirin.

 

Murti wax ku ool ah baa waxay inoo sarifaysaa, qofku kastoo farsama xumi, waxa uu ku tashadaa uma suurta gasho, ilayn illaahay baa dusha kala socdda uur xumaan-tiisa iyo cuqdadda uu qabo'e,  dabeed somalidu waa kuwa ku gabyey " Markaan is idhaa wax taransoba saw tii Alle meel ma sii taal" muwaadin intaas ka bacdi, waxan halkan kuugu suntayaa in aan loo jid bixinayn meesha lagu magacaabo Somaliland, oo arimihii la soo yayabay, ay gebi ka duuleen baan ku tusa-yaaye ee hoo:

 

(1) Warar xogogaal iyo siro qarsoodi ah, baa ka soo baxay shirkii shalay ay yeesheen Cirro, Saylici, Faysal iyo Askariga gurigaas ku nooli. Wixii ay gudiddii dhex-dhexaadintu ku soo taliyeen ee ahaa, in dib loo soo celiyo Komishankii la eeday, ee qaska, is naca, kala fogaanshaha, musuq-maasaqa, dhibta iyo cadaawadda kala dhex dhigay ummadda, baa afar ka mid ahi yidhaaheen ku noqon mayno oo ay diideen, cadeeyeena in aanay doorasho dambe ka mansuul noqonayn ama qabanayn, ee ciddii loo diraayo ee kale waw fasax. Wararku waxay intaas ku darayaan, xaajadan waxa ka dambeeya sidda la sheegaayo Saleebaan gaal iyo Geenyo shaaximan. Saleebaan gaal baa habeen hore shir qarsoodi ah kula qaatay afartan xubnood gurigiisa, taas oo ah si loogu buuxiyo afar xubnoo oo komishankan la diiday ah, halkii ay ka baxeen kuwan ka gacan taagtay, in ay ka sii mid noqdaan komishanka la yidhi ha la soo celiyo, waxana loo  cayimay in lagu daro xubna-haas kuwa cusub ah, oo ay soo xusheen Guurtdda oo laba xubnood ah iyo labadda uu soo xushay Askariga Guriggii moorgan ku jiraa, oo uu ka mid yahay Ina Riyo Raac.

 

 (2) Arinka labaad ee isna soo if baxay waxa weeye, Heshiiska ay la galeen Gudoomiya-yaasha Waddani iyo Ucid oo isna noqday, mid ay ku dal0badeen in loo furo lacagtii laga xayiray, ee loogu dari jiray Maaliyadda. Labadaas qodob yaa shirkii shalay ka dhacay " Xaafad-tooyadda" ka soo baxay, wax kale oo meesha la isula yimi may jirin. ee yaan dadka been loo sheegin, oo la odhan waa la is af-gartay.

 

Waxan ku soo qoofalay qoraalkan, maah-maah kale baa iyana ina odhanaysa " Naf wad-keeddii galay, lama waabin karo" Waa dhab iyo biyo kama dhibaan, uu arkaayo qofkii in uun garaad lihi ( Kuma jiraan inta meel iskaga baydhka ahi), ee si kale oo aan isla garanayno u sacab tumaysaa. Waxa-se hubaal ah, in aanu dayax dhacay nuur lahayn, maalinina aanay habeen noqon karin, hoosiis hadh ahayn, qori daad wataana, kolba daan ka soo go'aayo, oo uu yahay maamulka askartu ee Hargaysa kii la yidhi " Garaba diiri mid daguugan ma waydo" oo kolba meel baas iskula qaada, Waxa kaloo la yidhi " Guryo samo iyo lama dego, mid-na magaciisa ba alagu degaa, mid-na lagaga guuraaye. tani waxay isugu baxday oo ay u diga rogatay, lama dego iyo balan-bal cadceed soo baxdaba sii kordhaysa. ee nin kastaw degaal-kaaga ka oodo balaayadda Hargeysa laga afuufaayo, haddii kale adiga baa daadku kula tegi, indhahaaga oo soo taagan.

* N.B Markaan Is Idhaah Wax Taranso-ba, Saw Tii Alle Meel Ma Sii Taal!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...