Abaarso Tech School,Iftiinka Barri Ee Somaliland

0
Tuesday December 24, 2019 - 08:08:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaarso Tech School,Iftiinka Barri Ee Somaliland

    Islaamka iyo aqoonta (Islamic and education) barashada cilmiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaamka iyo aqoonta (Islamic and education) barashada cilmiga
waa mid diinteenu aad u dhiirigalinayso marka aad eegto aayadii ugu horaysay ee qur’aanka kariimka ee soo dagta  waxay ahayd IQRA iyadoo suubanaheenii Maxamed  SCW la farayey  inuu noqdo mid wax akhriya, culumadu waxay sheegaan  akhrintu inay tahay furaha aqoonta, waxaanay ahayd tusaale kaaga  filan sida diinta islamku u dhiirigalinayso barashada cilmiga.


Nabiyulahi muusa CS waxaa la faray  inuu raadiyo  ninka isaga ka cilmiga  badan oo ahaa nabi Khadar usafro si’uu cilmi usoo kororsado.


Xaga diinta lama helayo  aayad ama xadiis diidaya barashada cilmiga diiniga ah iyo ka maadiga ahba waxaase ku arkeysaa bogaadin iyo dhiirogelin.


 Alle markuu qisadii nabi Muuse iyo fircoon waxa uu tilmaamay markii juhaladii is kugu yimaadeen  fagaaraha fircoon na saaxiriintiisii la yimid meesha ee alle amray in nabi Muuse tuuro ushiisa si ay ucunto masaskii sixiriintu tuureen juhaladii daawaneysay  maanay fahmin mucjisada nabi Muuse watay, waxaase fahmay saxiriintii oo yidhi waxaanu rumaynay rabiga Muuse iyo haruun sidaa awgeed culumadu waxay tilmaameen  sixirka maha in la barto  sidaas oo ay tahayna  waxa uu dhaamaa  jahliga.


Jonathan Starr iyo dadka la shaqeeyaa  waxa ay Somaliland  galiyeen 27 million waxaanay dhiseen Abaarso technology iyo  jamacada Barwaaqo  oo dumarka ugooniya. waxqabadkaa muuqda iyo Dhaqaalahaa , waxaa inala gudboon inaanu ka faaideysano  noqonana kuwa   garab istaagga bogaadiyana.


Akhristow mala socotaa in Somaliland oo kamida dalalka ugu saboolsan calamka inay kashaqeyaan Chinese, Bangladesh, Kenyan iyo Indian. Waxaanay  ka howl galaan  shirkadaha isgaadhsiinta  sida Somtel iyo Telesom.

Guntii iyo gebagabadii burburkii dowladii la isku odhan jiray  Somali republic (Somaliland  & Somalia) waxaa laga dhaxlay  aafooyin badan waxaana kamida in awooda saxaafadda  loo isticmaalo  mid dhaqaalo lagu aruursado. 


Waalidiin badan ayaa ubixiya dhaqaalo aad u faro badan  si ubadkoodu uhelaan waxbarasho tayo leh geeyaan na hadba dalka ay u awoodaan dhaqalo ahaan sida India, Maleysia, Turkey iyo xitaa Ethiopia schoolka Abaarso  iyo jaaamacada Barwaaqo ayaana inta loo baahdo  ka aqoon iyo tayo sareyso ee alle haynaga dhigo kuwii garta malabka dushooda saaran.

 

Wabillaahi towfiiq

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...