Xubno Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Wali Ku Sugan Muqdisho, Kulamo Ay Yeesheen Iyo Xilal Ay Naawilayaan

0
Wednesday March 27, 2019 - 15:02:15 in News by
  • Visits: 2349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Wali Ku Sugan Muqdisho, Kulamo Ay Yeesheen Iyo Xilal Ay Naawilayaan

    Xubnahan Oo Wali Sugaya Xilal Dawlada Soomaaliya U Magacawdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnahan Oo Wali Sugaya Xilal Dawlada Soomaaliya U Magacawdo


Hargeysa(HWN):-Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa wali sababo aan la garanayn ugu sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya kadib markii ay Bishii hore tageen Magaaladaasi.




Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladihii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo.


Siyaasiyiinta reer KULMIYE ee Xamar ku sugan ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbiil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diiriye oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland.


Xogta aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiintan oo muddoba Xamar ku sugnaa ay wataan ajande qarsoon oo aan illaa imika la ogayn waxa ay la xidhiidho iyada oo aan sidoo kale la ogayn in ay safarkoodan ku matalaan Xisbiga ay ka tirsanaayeen ee KULMIYE ee uu Guddoomiyaha u yahay Madaxweyne Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda sahankooda.


illaa imika lama oga waxa ay dawladda Soomaaliya kala hadleen iyada oo warar hoose sheegayaan in ay kulamo la yeesheen xukuumadda Muqdisho.


Xubnahan kulmiye-yahanada ah ayaa la filayaa in kulamada ay la qaateen masuuliyiinta dawlada soomaaliya ka dib loo magacaabo xilal kala duwan iyada oo wararku xaqiijiyeen inay dalbadeen xilalkaasi.


Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore warbaahinta ugu sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba ha ahaatee weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye ay kaga baxeen iyo mabda’dii dalka ay xilalka ka soo qabteen toona, mana jirto meel xisbiga KULMIYE laftiisu ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintaas.


Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintoodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...