Ku Kaajaan Nin U Aqaan ( Abdi-Shotaly).

0
Monday December 23, 2019 - 18:32:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Kaajaan Nin U Aqaan ( Abdi-Shotaly).

    Nin baa wuxu yidhi maalin-ba meel bay ka shidan tahye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin baa wuxu yidhi maalin-ba meel bay ka shidan tahye
" maantana ma aakhiray qabsatay" Waxan uga socdaa ayaamahan waad la socotaan, in dhamaan af-dhabaan-dhab, tuug, iimaan laawe, koofiyad bacle, af miishaar, daba-leef, barbar yaac xil-doon ah, dhuuni raac iyo in alaale intii wadanka waashay, ee uu ku adeegan jireen maamul goboleedka ka dhiisan " Xaafad-tooyadda Hargeysa" ee jaha wareersani, in loo direy Ceeri-gaabo, inta loo dhiibay $600.000 (doolarka maraykanka ah), kuwaas oo ay hor boodayaan Bidhi -qaata-yaasha loo adeegsado beeshoodda, ugna horeeyaan ninka looyaqaan Bukhaari, Cawil Faantax, Koofiyad bacle Cabdiraxman good  la yidhaahaa iyo qar kaloo badan oo tallo ka yaqaana maxaan cunaa. Waxa kaloo iyana meesha maraaya, xaaraan-yahanaddii lagu naas nuujin jirey hantidda ummadda, waa kuwa lagu sheeho wasiiro'e, geenyo shaaximan iyo sacad cali shire, oo dhiishii uu ummadda ka bakhtiyey daba wadda, ka gaadiidka la yidhi wasiir buu ugu magacaaban yahay, Hadaba aan is weydiino'e maxay u socdaan ee intaas la isu daba dhigay? Maxay doonayaan ee Ceerigaabo iyo gobolka sanaag ay ka soo qabanayaan? Ma dan ummadeed baa mise wa amid gaar ah? Muxuu yahay ujeedadda loo direy? Maxay-se tahay sababta hantidda ummadda loogu burburi-nayaa? Ee loogu tallo galay in ay helaan kuwan si daba yaacayaa, siddii macaan-jecel sonkor kuyuu ugu jirta. Ma Janaral Caarre Soo qabtaa? Mise wax kale baa meesha yaala? Su'aalahan iyo jawaab-toodda halkan hoose ka akhri.

 

 Intii uu Janaral Caare galay Buurta, ee uu ka soo noqday Puntland, baqdin laga qabo awgeed bay khasab nabad ku ogolaadeen munaafa-qiinta la yidhaaho " Kud Maadw iyo Maxamuud Beenaale iyo geenyo shaaximani" Kuwan ah lax dhukani abaar moog, ee hantiddii ummadda ku cunaaya ceerigaabona, iyana suxuladda baa soo daali doono. Intaa waxa dheer oo la  yidhi "Nimaan wax ogayni, wad-kiisuu ku war helaaye" kuwan way shidaysaa ku jira guriggii Moorgan ee ay ula baxeen " Xaafad-tooyo" iyo intay ay soo direen-ba, ku soo nabad noqon maayaan Hargeysa iyo Burco, waa haddii ay isku dayaan in ay wax-yeeleeyaan Jabhadda iyo deegaanka ay ku nool yihiin. hadaba " Baroortu orgaca ka weyne" xaalku maaha sidda la idinku maaweeli-naayo, ee ah sidan hoos ku taal:-

 

Arimahan la idiinku riday dhegaha waa ina wax kama jiraan iyo huuhaaddii ay dhuri jireen labadda askari, kuwaas oo ah:-

(1) Ha la soo qabto " Caare iyo jabhadda dulmi diid"  waa been ee waa lagu gasaan-gasayaa.

(2) Caare waxa loo dirayaa dalka turkiga, oo lacag baa la siiynayaa, iyana waa wixii la idinku maali jirey iyo khiyaaliggii dalka lagu boobi jirey.

(3) Waxa kale ee ay idiin akhriya-yaan " Saamaxaad ha soo weydiisto" Askariga raggii ma adigaa ka hadhay, markuu dalka ka baxo, bal waxa ay inoo sheegayaan eega tuugta illaahay ka go'day, ee xaaraami-yiinta ahi.

 

Muwaadin waxaas oo dhan wax-ba kama jiraan, oo waa huf iyo alalagtii foodda la isugu kiin gelin jirey, ee waa tan runtii oo aan biyo is marini, ee hooya, kolay meel baa kuu cad, oo aad caabudaaye). Waxan-se ku leeyahay. waxa weeye xaajooyinka loo ham iyo dig leeyahay, ee loogu soo duulay Ceerigaabo iyo Buurta daallo, aan ku soo hor dhigo'e iga qabo. 

(a) Waxa jiray In shirkad la yidhahao "Asli", oo ay leeyihiin dad ka soo jeedda, kuna ab-tirsadda maamulka jeegaanta, oo uu hormood ka yahay wiilka weyn ee uu dhalay Askariga "Raggii ma adigaa ka hadhay", in ay mudo ka qodana-yeen " Dahab" buurta daallo iyo xeebta ka hoosaysa, gaar ahaan Tuuladda loo yaqaan "Waqdariya" Waa halkii uu ka dhacay dagaalkii, uu isagu soo abaabulay Askariga meesha ka wadha-dhac lihi, ee ay isku dileen Warsan-geli iyo Gadh-weyne, bay ka hor joog-satay Jabhadda "Dulmi-Diid", Taas  oo lagu dhici waayey, meel ay u maraan waayeen, awoodina ay u run sheegtay, wax ay ka smayn karaana aanay jirin, sidaa s awgeed baa ay uga samri kari la'yihiin, oo la isu soo daba dhigay, abkay dhuuni raac sidduu u dhamaa meel uu joogo-ba. Ma Buklhaari ba aka saaraaya Caare Buurta,Mise Koofiyad Bacale Ina Good?

(b) Qodobka labaad ee meesha yaalaa waxa weeye isna, dagaal wax ku weyde ee khiyaamo ku daya, bal in ay idiin hir-gasho. ilayn idiin mari weyday xoog ku banaysta'e, beelaaha meesha degan ( Waa Gadh-Weyn iyo Muuse Carre'e) lacag ku asqaysiiya, oo ku kala furfura, kuna dhaha ninkan ( waa Caarre iyo jabhadda kor ku taalee) meesha ka saara oo dhul-kiina ka erya, taas oo haddii ay dhacdo, uu rabo askarigan waalani in uu dib u bilaabo la soo baxii " Dahabka) ee uu inan-kiisu qandaraaska ku haystay. taana lala fahan, oo ku soo fadhiiso baa la yidhi, bal cirka nagu soo dumi hadaad wax isla hayso.

 

Inan baa laga hayaa " Ku kaajaan nin u aqaan" cidda Caare ku dhacaysa, kuna keli-faysa in uu debed u baxo, waa su'aale " Tolaw  waa ayo nin-kaas rag ka tegay" waa-se la ogaane " Alla wadaadku faan badanaa", Ma isagaa saari kara xaar weynaaye?. Muwaadin waxan ku soo xakameeyey qoraalkan, oo aan u sheegayaa awr kiraala-yaasha la soo dhoobay Ceerigaabo, waa habeenkii xalay ahaa, oo dib u soo noqday, in Caare iyo jabhadda uu haystaa ay ka baxaan halkay ay joogaan, waayo wa dhul garxajis leeyahay, Askariga iyo aabihii-toonba ma laha, waa iyo tuug u kabao-qaadka ahi, ee ummadda loo soo boobay, lagana eryi kari-maayo, soo mana geli kartaan buurta, haduu nin yahay la xalaaleeyey, oo aanu buuryaqab hayn, bal loo diid-ye wax ha sameeyaan isaga iyo Ka uu iska wataa ee la yidhahao " Geenyo Shaaximani" waa taas nafta loo xarfiyeye. Caare meel uu qabanaayo ama tegaayo ma laha, cid ku dhici kartaana ma jirto, lacag shaqynay-saana hore-ba waa tii loogu guul daraystay. Ninkii dhici jirey dhib kuma aha ee dhawan soo baxaw ha dheeliman.

 

* N.B Baroortu Orgaca Ka Weyn!

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...