Dawladda Soomaaliya oo Diyaarisay Qorshaheedda Wada-haddalada Somaliland

0
Monday December 23, 2019 - 15:09:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya oo Diyaarisay Qorshaheedda Wada-haddalada Somaliland

    Dawladda Soomaaliya oo Diyaarisay Qorshaheedda Wada-haddalada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Soomaaliya oo Diyaarisay Qorshaheedda Wada-haddalada Somaliland
Hargaysa(HWN):-Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka tirsan xubnaha guddigaasi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay wadahadal la furto Somaliland.



Jangali ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay guddiga ay wadeen xog uruurin iyo kulamo wadatashi ah oo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in haatan ay sugayaan kaliya dhinaca Somaliland, gaar ahaan guddiga wadahadalladaasi uga qeybgali lahaa.
"Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadanaa, howshaas ma aha howl ku xidhan maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaa ee ka imanaya Somaliland ee wada hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya.” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen qorshaha iyo sida ay uga howlgali lahaayeen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu ka furmay shir horu dhac u ah midka wadahadallada ee labad dhinac, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka, islamarkaana ay ka qeyb galayaan waxgarad matalaya Somaliland.

Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hakad ku jiray wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoona hadda la doonayo in markale la sii amba qaado.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...