Iskumaranta Run Iyo Been:-Dhibaatada Is Af-garanwaaga Soomaalida W/Q Rashiid Gadhweyne.
Iskumaranta Run Iyo Been:-Dhibaatada Is Af-garanwaaga Soomaalida W/Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)
Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)
Siyaasi magac leh baa maalin goob la isu gu yimid ka hadlay. Arrimo
danaha guud ah buu waxii uga muuqday iyo wax uu ku darsaday ba ka
yidhi. Hadal run iyo been ba lagu xambaari karo ayuu yidhi. Dooddeedu
wax badan oo fikrado iyo aragtiyo ah, bay soo ifbixin lahayd, la la ma
se aadin dhinacaas. Laba keli ah baa loogu kala guuray. Kuwo been keli
ah oo aan hal xalaal ah lahayn bay ku sheegeen; kuwo kale na waa runtii
oo badhax la’ bay yidhaadeen. Laba aag oo aan barkulan lahayn baa loogu
kala jabay. Inta badan socotada siyaasadda Soomaaalidu ma aha dood ee
waa "mudacyo afkood” iyo waxa waayadan loo baxshay magaca
‘Fadhikudirir’. Waa weerar iyo weerarcelin afka ah. "Waa laga dambeeyaa
iyo meel kale ayaa wax loo wadaa; waa khiyaamo qaran” iwm…. "Wax aad u
badan baa la qabtay iyo horumar baa la keenay”. "Maya; wax ba la ma
qaban;bal wax waliba way sii xumaadeen oo ka sii dareen iwm”. Ma run baa
mise waa been waxa la sheegay? Oday magac qabiil sita oo asagu na
shirkiisa ka hadlaya, ayaa odhan: "Innaga ayaa nabadda dalka hayna oo
wanaagga u taagan; qolada ama qolyaha kale, ayaa belaayo wada”. Run iyo
been midkee loo qaadaa hadalkan? Waxaa jira siyaasi kale oo asagu kugu
dirqiyaya in aad hadalkiisa beensato. Asagu na xafalad ilyartu isqabatay
buu galab ka hadlay: "Qarannimadu ku ma dhismayso qabiil; muwaadinnimo,
sinnaan iyo caddaalad bay ku dhismi kartaa”. Waa hadal wanaagsan.
Hayeeshee marar baa laga arkay hadallo iswada burinaya iyo asaga oo
dhinacyo kala jeeda wax u wada. Xataa haddii uu markan run
sheegayo(shaki baa aniga runtiisa iga ga jiro e), hore ayey Soomaali u
maahmaahday oo tidhi: " beentaada hore, runtaada dambe ayey dishaa”.
Meesha aanay jirin soohdin la isku raacsanyahay oo run iyo beeni ku
kala baxaan, wax ba la ma kala garan karo. Runi been bay ku dhex
ambatay. Weliba Tani waa ay ka sii xagjirtaa; waayo wacyiga
reerhebelnimo waxaa hoggaamiya xintanka ka dhexeeya ‘annagada iyo
ayagada’; xintamaa na weligii ba ma arko xaqiiqada duunkiisa debedda ka
ah. Tiisa oo qudh ah ayaa u jirta; tii kale ba na waa u been. Run iyo
beeni wax asaga ka baxsan ba ma aha.
Marka aynu u nimaadno wada-xidhiidhka bulsheed na isla suuradan
baynu la kulmaynaa. Waagan la joogo, koox kasta oo isku qolo sheegataa
waxa ay, si joogta ah, ugu kulantaa guri xaafadaha magaalada ah. Warar
iyo faallooyin, ayaga qurxinaya, cidda kale na ceebo marmarinaya, bay
isa siiyaan. War iyo faallo ba waa curintooda oo looga ma horraynin,
hadda na run bay ka dhigtaan oo ay u qaataan. Waa wacyigii
reerhebelnimo. Koox waliba ta ay ayadu isu sheegtay baa u run ah; ta
qoloda kale sheegtay se, warkeed ba ma maqlaan; waayo isu ma tagaan oo
isma waraystaan. Balaf waxii ku soo gaadhaa na agtooda waa been. Sidee
dadkani u wada noolaan karayaan, haddii aanay run iyo isrumaysi ba
lahayn? Bulsho qaran, haddii la rabo, rayi wadareedyo dadku wadaago laga
ma maaramo. Qaayosoorrada bulsho ku dhisanto, runtu waa rukun ka mid ah
oo weliba mudan ah. Runtu na way galgalataa, beentu na way ku marantaa.
Garashadeeda, qaayosiinteeda iyo kuwada-dhaqankeeda ayaa xidhiidhiya
bulshada. Waxa ay u baahan tahay in wax la isweydiiyo; ayadu na waxa ay
rabtaa kaadsi iyo dulqaad.
Shaki iyo Ismoodsiis
"Reer-Hebel wax ba inooma oggola iyo Reer Hebel wax aan
waxyeelladeena ahayn laga ma filan karo”! Iyo "Xumaan keli ah bay wax ku
leeyihiin” iyo "Inta ay nabadda kugu yeelaan colaadda kugu ma yeelaan”!
Waa dhaqan nacaro qabiil ka soo jeeda oo sida uu u dhan yahay waa
hawraaro ka tibaaxcelinaya shaki iyo ismoodsiis. Asaga oo wejiyo badan
leh baa lagu soo tallaalay nolosha maanta ee qarannmidoonka ah.
Siyaalo kale oo badan buu Ismoodsiisku isku muujiyaa; waxaa na ka
mid ah: "Waa laga dambeeya, ciddaa iyo ciddaas, dawlado iyo gaalo iyo
duulal shisheeye, ayaa wata”! Ma run baa mise waa been? Ismoodsiisku
-xataa haddii u run yahay – mar kasta, waa kugu been; Alle (SWT)
hortiisa na demibgiisa ayaa kuu yaalla, waayo waa danni. Xaaladdan
qalalaasaha bulsheed iyo anshaxeed, waxaa jira ismoodsiis been ah oo
lagu dan-qunsado. Waxaa ka mid ah: "Nin na inta uu kuu jiro kuu ma soo
dhaafo iyo iigu shub, anigaa ku abtirsiin xigee ". Dhangaagaalaha tirada
badan baa run loo tusaa; waxa uu badi ba gaar u soo mudhbaxaa xilliyada
ololaleyaasha doorasho iyo tabaha hunguriga lagu raadsado. Runta ay
beenta moodsiiskani daboolka saaraysaa waa in aan qaranka shisheeye iyo
sokeeye lagu kala noqon karin ee qarannimada uun lagu waayayo. Kuwa
beenta ismoodsiiska iyo moodsiiska ah dan mooda, ugu dambaynta, runtaa
ku kedisa oo ka kala daadisa.
Runta iyo Beenta Munaafiqa
Run baa been u dhacda. Munaafaqiintii Maddiina ayaa Nebi
Maxamed(SCW) u maragkacay in uu Rasuulkii Alle yahay. Alle na(SWT) waxa
uu leeyahay: Alle waa ogyahay (Nabi Maxammedow) in aad dhab ahaan,
rasuulkii Alle tahay, waxaa na uu Alle ka marag yahay in munaafiqiintu
been sheegayaan. "إذجاءك المنافقون قالوانشهد إنك لرسول الله والله يعلم
إنك لرسوله والله يشهد إنُ المنافقين لكاذبون”(سورة المنافقون)
Run bay sheegeen Munaafaqiintu, ayaga oo been sheegaya. Sidaas ayaa
qowlka Alle sugayaa. Waxii aan qofka ka dhab ahayni, waa ku been, xataa
haddii ay run tahay.
Run iyo beeni marar badan waa kadhigashada iskeen. Cid waliba
iskeed bay si wax isu tustaa oo run bay ka dhigataa. Qof, koox iyo
bulsho dhan ba, taasi way ka timaaddaa. Iskeed bay rumaystaa oo isma
weydiiso xaqiiqo ayada ka baxsan oo aan damaceeda iyo deexashadeeda ku
xidhnayn. Tusaalaha qof ahaaneed waa xaaladda uu asagu isla qumman yahay
ee uu qaato been ay naftiisu u sheegtay; waa na cudur taasi. Mar kale
na waa beeta asaga ku saabsan ee cido kale uga timaadda oo uu isku
daawado. Tusaaleheedu waa ammaanta beenta ah ee laga badiyo
kelitaliyaha, uu na rumaysto; ayadu na waa cudur la mid ah. Ta bulsheed
na isla-falgalka dadka ayey ka unkantaa. Runteeda soke waa inta lagu
wada dhaqmayo ee lagu negi yahay.
Haseyeeshee ayada lafteedu na been bay noqon kartaa. Waxaa jiri
karta oo la soo arkay bulsho ku wada nool afka oo la isu macaaneeyo,
ayada oo aan naxariis la isu haynin; waa meel ma-jirto lagu wada hadlo
oo ay sidaasi tahay caado iyo curfi la isku ogyahay. Waa dhaqan ka
dhasha cadaaladdarrada talomaroorsiga arxanka daran. Jinni-boqorka laga
cabsanayo oo ammaan afka ah loo miisaa dhaqanka bulshada ayuu sadheeyaa.
Waxa uu sababaa in runta laga dhawrsado oo been lagu dhuunto. Cabsida
laga qabo jowrka xoogagga kelitaliyahu, been bay dhashaa; aakhirka na
runta ayaa la isku nacaa; bal marar waa la isku dilaa. Marka cabsidaasi
dadka dhexdiisa sii badato ba, been-isu-dhiibka munaafaqada ayaa ku sii
badata. Waa la caadaystaa oo dhaqan munaafaqnimo ayaa bulshada ku
xididdaysta. Waxaa la mid ah danaysiga qofeed ee xadkiisa dhaafa, haddii
uu bulshada ku fido oo lagu tago, munaafaqayn bulsheed baa ka
abuuranta. Mar kasta iyo si walba na, war munaafaq waa been, xataa marka
uu run sheegayo.
Run iyo beeni halkee ku kala baxaan?
Daawadu waxa ay bilaabantaa marka la kala garto, halka ay ku kala
baxaan run iyo beeni ee la sugo; mid walba na la dhigo meesha ay qiyamta
dadnimada ku leedahay. Majare lagu liibaanay baa jira, waase haddii la
wada garowsado oo la yeelo.
Hor iyo horraanteed: jiritaanka Alle (swt), keli ahaantiisa Alle
ahaaneed iyo dhammi ba sifooyinkiisa asaga ku sami, waa run buuxda; inta
ogaalka rabbi ku maqan(qeybka) ee uu kitaabkiisa kariimka ah kaga
warramay na waa run buuxda. Qofkii se taas dhab ahaan, rumeeyey baa
rumaystay; kii kale se warku waa u sida kale iyo sidii uu doono.
Kolka xiga: Abuurta Alle, inta isheennu qabato, intii ogaalkeenna
ah iyo intii aqoonteenna cilmiyeed gaadhay na waa inoo run; ha yeeshee
iyadu na waa socoto si joogto ah u kororta oo isu beddesha; taas owgeed,
wax si loo yaqaannay baa ogaalkiisa lagu sii durkaa; run hor leh baa
loo tagaa oo tii hore ayaa ku beenowda. Qarniyo aad u badan buu adduunku
ahaa inta iyo sida isha keli ahi u aragto; dhulku na ahaa sagax ballac u
yaal oo qorraxdu cidhifkiisa bari ka soo baxdo, kiisa galbeed na ka
galbato. Aqoontii ku durugtay xaqiiqada oosha dunidu waa ta beenisay
lammoodkaas asaga ahaa. Run iyo beeni waa laba isa-sudhan ah oo midi ba
midda kale ayey tustaa. Runta ayaad beenta ku ogaataa oo aad kaga
tagtaa; geesta kale waa la mid. Aqoonta soo daba gaabani waxa ay ku
tustaa run aan dhammays tirnayn, been buuxda na way u dhuran kartaa.
Runtu been bay ku dhex qarsoontaa; aqoon iyo daacadnimo(ashax) wada
jira, ayaa kala saari kara. Bulshada dhexdeeda taas laga waayaa,
qalalaase ba’an bay ku jirtaa. Waxaa ay u dhibmudataa oo haddii ay
weydo, u jabtaa wada hadal iyo wadatashi iyo xeeldheeraha
aqoonyahankeeda oo waxba la weydiiyo, dhawaqiisa na la dhegeysto.
Odhaah-murtiyeedda Soomaalida ee "Muslinow run sheeg Muslinow na uga
qaado” waxa ay inoo tilmaamaysaa kaalinta runta iyo rumaysigu ku
leeyahay dhismaha bulshada caafimaadka qabta.
Runi waa isu geyn
Bal u fiirso sheekada laga dhaxlay soonjireenka dhaqanka Hindidii
waayo qiyaastii, ku siman 1500 sannadood. Waa sheeko siyaal badan loo
weriyo, murtideedu se meel ku wada biyoshubayso. Lix nin oo indho la’aan
ku dhashay baa uu ku badtay warka noolaha maroodigu la dhahaa. Waxa ay
ku talogoosteen in ay soo ogaadaan waxaa uu yahay iyo sida uu u yaallo
ba. Malaa waa la hagaye, waxaa ay u tageen maroodigii. Midkood ba waxa
uu kaashaday xasuusta walaxaha uu tijaabada nolosha ka hayo ee uu
taabashada ku kasbaday. Taas buu ku suntaday baadida runta uu dabasocdo.
Midkood dheegga ayuu maroodiga ka taabtay oo gacanta mariyey; waxa uu
yidhi maroodigu waa wax ballaadhan oo sallax ah; waa gidaar oo kale. Mid
kale na waxa uu taabtay gacanka maroodiga oo waxa uu yidhi maroodigu
waa sida mas weyn oo kale. Ku kale na foolmaroodiga ayuu gacanta ku
qabtay; asagu na waxa uu yidhi maroodigu waa waran dhumuc weyn. Midkii
kale lugta ayuu labada gacmood isugu geeyey oo maroodigii waxa uu la
noqday jirrid geed oo kale. Kan kale na waxa uu taabtay dabada oo kuye:
‘maroodigu waa sidii xadhig oo kale’. Kii lixaadna waxa uu qabtay dhegta
maroodiga oo waxa uu istusay in uu yahay wax babbiso(marawaxad) u eg.
Markii ay gooni isu la baxeen ee iswaraysteen, nin walba warkiisu aad
buu uga duwanaaday kuwa kale oo sidaas darteed, muran ismariwaa ah baa
dhexdooda yimid. Nin ba tiisa oo qudh ah ayaa u run ah; tu kasta oo kale
na waa u been. Ogow oo nin waliba waxa uu hayaa garooc runta ka mid ah;
runtii oo dhammaystiran baa ka wada maqan. Weliba ku darso oo runtii
maroodigu ku ma dhamma isugeynta qurbyada ay kala haystaan. Ma ahayn
nimankani Soomaalida maanta oo kale. Dad bay u tageen oo qurubyadooda
runta ugu soo ururiyey. Ka dib na suuro isku mid ah bay maroodigii ka
yeesheen.
Bulsho aan xogogaal iyo aqoonyahan wax la weydiinnin oo qof waliba halkiisa ‘islaqummane’ ku yahay, aaye san ma yeelan karto.
Moodista iyo ismoodsiisku waa kala laba. Moodista loo ma kaso ee
waa xaalada qofka ku iman karta oo sidaas darteed, dulmi ma wadato.
Hayeeshee ayadu na khasaaraheeda ayey yeelataa. Tusaaleha dhow ee
ismoodsiisku waa sheeko-murtiyeed ka mid kuwii "Cigaal Shidaad”. Waxa la
yidhi in uu magaalada u safro oo uu arrad-bax iyo saad ba, baahida
qoyska ka keeno, ayey dani yuurursatay. Malaha, meel durugsan bay ahayd
oo aan maalisawaal laga ga soo geyoon karin; sidaas darteed, guuro
habeennimo ayaa lamahuraan noqoday. Waxaa la yidhi si weyn buu uga
walaacay, waxa se ka badatay gawraxii marantidiisa. Wuu guurogalay oo
waddada ayuu, ugu dambayntii, cagta saaray. Kolkii uu cabbaar
baaledaymood soconaya ahaa, ayuu arkay mututuul madow oo waddada
qarkeeda ah. ‘Wuxu ma bahal baa mise talow waa wax kale’?! Waa bahal buu
nafta u sheegay. Ma sii hakanin ee run buu ka dhigtay. Ta uu asagu isu
sheegay buu rumaystay. Hore tallaabo kale u ma qaadin. Waxu geed buu
ahaa oo markii waagu walalacay, ayey runi hortiisa timid; waa uu ku
maalinsawaalay oo canaani na ku raacday. Cigaal Shidaad waa male-awaal
uu garaadka wadareed ee dadka Soomaalidu hal-abuuray; ilaa maanta na
murtideeda, ayaa la la baxaa. Ta sheekadani waxa weeye: xataa marka
aanay xin iyo xumayni ka dambaynin, garaadka sami khasaaraha beenta ayuu
ku talogalaa oo uu ismoodsiiska kaga ga tagaa. Yaqiintaa la doortaa, la
na raadshaa oo lagu shaki-baxaa. Soomaalida maanta aad bay u yartahay
inta ay runta ku kala shaki-baxdaa. Beenta ay male-awaashay, ayey isku
dilaysaa oo khasaaraheeda ayey rarataa.
Caqilga san iyo dhaxalka aqoonta aadamigu waxa ay inoo sheegayaan
in runta adduunkani ka badan tahay oo ka weyn tahay inta qof, laba iyo
kooxi haleesho. Runtu waa dhinacyo-badan; waa socoto goob iyo goor leh
oo jiritaankeedu waa jiraallo isku wada xidhan. Caqliga qumman iyo
cilmiga dhabta ah ee aadanahu runta wuu ku durkaa oo in uu ku sii
dhawaado mooyiye, mar na gunteeda ma soo taabto. Inta hal qof arkayaa na
waa wax aad u yar. Biirsiga iyo isku darsiga wadarta ayey ku jirtaa.
Murtidu waxa weeye: runtu inta kelidaa kuu muuqata ma aha ee dadka kale
na wax weydii. "Galladu na waxay saaran tahay wax isu geygeyn”; waxa
sidaas yidhi Maxamed Ibraahim Warsame Hadraaawi(Gudgude).Midda kale,
runtu way galgalataa oo socotada taariikhda ayey isla rogrogtaa.
Ahaanshaheedii waayo hore, baa beryo dambe noqda sida kale. Immisaa
kaymo duud jiq ahaan jiray, baa dalalowsi iyo witir ban ah noqday;
meeqaa ceel buqdho ahaa, baa hunguufti madhan ku dambeeyey.
Isku-maranta run iyo beeni waxa ay dhextaal walaxaha jiraalka
debedda inaga ah ama inaga noqon kara iyo iskii-araggeenna gaar
ahaaneed, kow iyo kooxba. Waayo-aragga kooxda bulsheed iyo ta qofeed ba
waxaa ka dhasha si-aragyo, uqaadasho, iyo jidraacyo la caadaysto. Sida
ay ugu hirgeshay baa loo rumaystaa oo maguuraan loo qaataa. Maalin daran
bay runtu hirdidaa. Soojireenkii boqollaal sannadood lagu dhaqmayey,
garashada dadka wuu midiidinsadaa. Waa la isaga hoggaansamaa oo la isma
weydiiyo run iyo been, waxtar iyo waxyaallo uu leeyahay midna. Goor
khasaarihiisu badtay baa hawl iyo haydaaaro laga ga guuraa.
Sidaas darteed, soojireenka dhaqanka iyo hiddaha bulsheed na run
iyo been baa isku maran. Aadamigu waa noole busheed; jiritaan kale
weligii ba ma laha, lagu ma na arag. Haseyeeshee, heer kasta ba kob iyo
kobo baahiyeed bay bulshaynimadu ka unkantaa. Waxa ay yeelataa
qaab-dhismeedyo iyo garaad ay bulshannimadu ku negi noqoto.
Isbed-beddelkeeda maaddiga ah ayaa ka sahlan oo ka soo horreeya
garashadeedda. Waxtar iyo waxtaransiba teedii hore ayaa beenowda;
haseyeeshee "sidaas baa wax ahaan jireen” baa la dhahaa oo loogu
dhegganaadaa.
Hadda marar badan baynu maqalnaa, kuwo badan oo yidhaa:
dhibaatadeennu waa: dhaqan wacan baynu lahayn oo aynu ka tagnay” iyo
"daawadeennu waa dhaqankeennii suubbanaa oo aynu ku noqono". waa garaad
ama wacyi ku maqan riyo iyo beri si wax ahaan jireen. Waxa lagu dheggan
yahay waa dhaqan aan runta maanta jirta xidhiidh weyn la lahayn; baahida
bulshada maanta iyo waayaha adduunkeeda na mugdi baa kaga jira. Waa qof
arki la’ runtii shalay ee maanta beenowday. Nin baa xaaladda
Soomaalida, waxa ay tahay iyo waxa laga yeeli karo, ka soo jeediyey dood
adag iyo su’aal deedafo ah. Waxa uu yidhi: "qabiilka miyaa laga
maarmaai karaa"? Su’aal ka ma aha ee waa duurxul u dhacaya "laga ma
maarmi karo”. Run aan biyo ka dibcin buu taas u arkaa. Waa garaad
weligii ba ku maqan sidii waayo hore wax ahaayeen, ka na maqan sida
maanta wax yahiin. Kelida qofeed iyo kooxda bulsheed ba, ma aha kuwii
waayo hore jirey; ma na jiro maanta qabiilkii baahida nolosha la la hoos
geli jiray.
Tusaale kale na, (waa iga male-awaale): laba Soomaali oo runta aad
ugu kala durugsan baa kulmay. Koodii hore ayaa weydiiyey oo yidhi:
Qoloma ayaad tahay? Kii labaad baa su’aal ku warceliyey oo waxa uu
yidhi: ma aniga ayaad aqoonsigayga rabtaa? Haa buu yidhi. "Hebel oo Ina
Hebel ah baan ahay” buu yidhi. Ma uu siisan oo waxa uu ku yidhi: "Waar
isu kay sheeg; anigu magacaaga ku ma aan weydiine; qoloma ayaa tahay"!
Bal aynu isweydiino ee aqoonsiga runta ah ee qofka ayamaa ah? Ma magac
qabiil, mise magaca qofka iyo tilmaamaha kale, sida xirfaddiisa,
shaqadiisa, meesha uu deggan yahay, cinwaanka gurigiisa(haddii uu jiro)
iwm? Ka ba soo qaad oo qabiilna ku dar; maxaa ay ugu fadhidaa sugidda
jiritaanka qofkaas? Waxaa jiray beri ay wadar qabiilo talo iyo tallaabo
mid ah lahayd, qofku na, xeer iyo xaagaan ba, uu qolodiisa ahaa. Sidaas
darteed su’aasha ‘Qolo ma ayaad tahay?‘ run jirta ayey daba socotay.
Maanta runtaasi halkee taallaa? Qabiil, magaca mooyiye, talo mideysa iyo
jidraac isu hayaa ma jiro. "Reer Hebel baa sidaas yeelay ama tan iyo
teer falay” awel been wax ka jiraan bay ahayd; maanta se waa been
soocan’.
Cudurku meeshii u darrayd buu bulshada ka hayaa. Waa Qiyamtii
anshaxa dadnimo. Halka ay runi ku baxday ee been laga doorbiday, waxaa
ku baxay isrumaysi. Taas owgeed, waxa ay nolosha siyaasadda Soomaalidu
ku falgashaa shaki iyo ismoodsiis. Waa ta keentay in arrin kasta oo
timaadda ba uu ka dhasho is-afgaranwaa kolkii ba u guura isqabasho halis
ahi.
Meel run iyo isrumaysi laga waayey, wax badan oo kale ayaa la
waayaa. Dulqaadashada, istaxgelinta, ammaanada iyo is-aaminaka iyo
caddaaladda, sarriigashada, ceebta oo laga dhawrsado iyo wax kasta
gobonnimo ahayd, dhismaha bulsheed na ku taagnaa ba waa la daayaa;
lidkeeda ayaa la doorbidaa oo wax walba sida kale ayaa loo rogaa.
Dhibaatada Soomaalidu waagan, waa tu arooraysa ilaa dareenka
is-ahaanshaha Soomaalinnimo. Haddii tani si socoto ma jiri doonaa dad
magaca Soomaali ku dhaataa mise maya? Badbaadadeedu waxa ay sugaysaa
garasho ku dhisan caqli iyo majare raac cilmyeed, iyo damiir anshax
dadnimo leh oo falaadka siyaasadeed iyo bulsheed mayalka u qabta. Haddii
ay weydo, oo ay runtu agteeda dayro ka ahaato, beenta na la weheshado,
aakhirka magaceeda ba aduunka waa laga waayi; Alle kama dhigo.
W.Q. Rashiid Sheekh Cabdidillaahi "Gadhweyne”
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...