Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Modi Oo Kufsi Uu Geystay Xabsi Daa'in Loogu Xukumay

0
Monday December 23, 2019 - 06:50:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Modi Oo Kufsi Uu Geystay Xabsi Daa'in Loogu Xukumay

    Xidhibaan hore oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ee BJP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhibaan hore oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ee BJP
ayaa lagu xukumay xabsi daa'in ka dib markii lagu soo eedeyay inuu kufsi u geystay gabar aan qaan gaar ahayn. Kufsigan uu geystay ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu darnaa sannadadii ugu dambeeyay.


Maxkamadda ayaa sidoo kale Kuldeep Sengar oo 51 sano jir ah ku amartay inuu bixiyo lacag mag dhaw ah oo gaareyso 35 kun oo doolar.


Kiiskan ayaa ku soo beegmay iyadoo sannadkii la soo dhaafay dalkaasi Hindiya ay gabar yar oo la kufsaday ay isku dayday iney is disho.


Gabadha oo aan la ogoleyn in magaceeda la sheego ayaa waxaa uu dhaawac xun ka soo gaaray ka dib markii la isku dayay in shil gaari lagu dilo bishii July ee sannadkan balse way badbaadday. Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay labo eeddo-yaalkeed ah oo iyada la safrayay. Dhanka kale waxa uu dhaawac xun shilka ka soo gaaray qareenkeeda.


Gabadha hoyadeed ayaa xildhibaanka ku eedeysay in isaga ka dambeeyay shilkaasi balse eedeyntaasi waa uu iska fogeeyay waxaana weli dhacdadaan baaraya booliska federaalka.


Qoyska gabadha ayaa waxaa sidoo kale ay xildhibaanka walaalkii ku eedeeyen inuu weeraray gabadha aabeheed.


Haweeneyda ayaa Sengar ku eedeeysay in bishii June ay shaqa u doonatay balse la afduubtay ka dibna muddo toddobaad ah ay kufsanayeen isaga iyo rag kale.


Waxay sheegtay iney xarunta booliska ka diiwaan gelisay balse boolisku ay arrintan ka caga jiidayeen muddo bilooyin ah waxayna u muuqatay sida ay sheegtay ineysan dooneyn iney sii wadaan kiiska xildhibaanka lagu soo oogay.


Xisbiga BJP ayaa dhacdadaan kala kulmay cambaareyn adag ka dib dhacdadaan iyadoona lagu eedeyay inuu weli dambiile Sengar uu ka sii mid yahay xisbiga talada haya ee dalkaasi Hindiya.


Ka dib markii gabadha shilkaasi ay gashay waxaa dalkaasi gilgilay dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday.

 

BBC

Loading...
Loading...