Dhibaatooyinka Bacaha (Plastic Pollution). Qalinkii: Axmed Nuux Daa'uud

0
Monday December 23, 2019 - 06:49:15 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatooyinka Bacaha (Plastic Pollution). Qalinkii: Axmed Nuux Daa'uud

    Dhibaatooyinka Bacaha (Plastic Pollution). Qalinkii: Axmed Nuux Daa'uud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatooyinka Bacaha (Plastic Pollution). Qalinkii: Axmed Nuux Daa'uud
Intii aanu bani aadmigu baranin sameyntaa sheygan ma duugooba ha ah ee(caaga),qashinka dhulka korkiisa yaala dhib badan malahaan jirin,waayo walax kastaa caradey la falgali jirtey ama ciidaa cuneysey,sheygii xashiiska ahaa markiiba sidaas ayuu ku dhamaanayey. Waxa uu sheyga plastiga ahi kaga duwan xashiiska kale:
Image result for Bacaha

– Hore uma dhamaado
– Wakhti yar kuma dhamaado
– Baddu ma liqdo
– Falgalka uu ciida uu la sameynaya muddo dheer ayuu ku qaata.
– Sidaa awgeed waa maado dhulka korkiisa ka muuqata goor iyo ayaan.


Tani waa mid dalalka horumarey fahmeen xalkeeda waxayna sameysteen,waxkastoo laga ga hortagi karo (Plastic Pollution). Waxay daruuri ama macduun ka dhigeen inuu walaxdan dhibta inagu haysa dib loo isticmaalo iyodoo qashin ah laguna sameeyo (recycle). Waxaa laga faa’ideystey intii ay qashin haan la hayd inuu noqdo shey la isticmaalo waxayna plastigii qashinka ahaa dib uga dhigaan weel la isticmaali karo. Magaca caalamiga ah ee sheygan madhamaadaha ah loo yaqaanaa waa Plastic Pollution waxayna ku tu seysaa sida aadamuhu khadiyaanka uga joogo qashinka caaga ka sameysan taasoo ay tahay mid waxyeeladeedu balaadhantahay. 

Dalalkaasi markii ay recycle kusameeyeen qashinkii wuu ka yaraadey deegaan kooduna wuu ka nabad galay .JSL waxay ka mid tahay waddamada plastigu dhibta ku hayo ,sidaa awgeed JSL waxay ka soo saartey sharci mamnuucaya keenista bacaha. Haddaba wasaaradda maaliyaddu iyadoo tixgalineysa sharciga ka yaala bacaha waxay mamnuucdey in wax oggolaansha ah bixiso in la keeno baco maamulka wasaaradduna waxay qaadeen talaabooyin adag oo la gaga hortagayo in baco si fudud ku yimaadaan go’aanka adag ee JSL uu ka soo saarey baca ha wuxu sababay in qaab koontarabaana lagu keeno,waxaana koontarabaankaas la soo mariyaa dhululka qorfaha ah iyo meelo cidlo ah,habkan koontarabaanka ahna waxuu keenay iney baco xaga Hawdka inaga soo galaan iyo meelo kaleba. Haddaba aynu is weydiino wasaaradda maaliyaddu markey gacanta ku dhigto baco si sharcidaro ah ku gudbaya wasaaraddu sidey ula dhaqantaa aqabkaa koontarabaanka ah?

Anigu shaqsiyan waxaan aad ugu farxay markaan arkey wasaaradda maaliyadda oo meel fagaara ah ku gubeysa baco, ololkuna ahaa mid isqabsadey oo cirka isku shareeray. Runtii dadkeena badankiisu way fahmeen culayska bacuhu ama balastigu inagu hayo mar haddii la arkey shaygan dhibtiisii iyo qaxarkiisi,aafaddiisa iyo masiibadu mushtamaca u leeyahay waa in shicib iyo dawladba meel looga soo wada jeesdaa inta la helayo xalkan ka duwan ama ka hawl yar. Wasaaradda maaliyadda haddii howlgaladeeda sidan oo kale u noqdaan kuwa joogta ah ,bulshada Somaliland way ka reyn cidkasta oo ka dhaga-adaygta sharciga waddanka uyaala,waana la ga guuleysan doona kuwa macaash lacageed mooyee aan talo waddan iyo mid uma deed toonna iska ilaawey. Waxaanu qormadeenan ku soo gaba gabeeneynaa inay dadka maal qabeenada ah ee JSL ay inoo badigoobaan warshado yar-yar oo Plastic Pollution ka lagu xaliyo si qashinka hawshiisu inoo daayo,iyaguna way ka macaashi dadkuna wuu ka badbaadi plastic pollution.

Qalinkii: Axmed Nuux Daa’uud
Hargeysa, Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...