Cayaartooy Tahriibeyaal Lagu Khalday Oo La Tarxiilay

0
Monday December 23, 2019 - 06:41:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaartooy Tahriibeyaal Lagu Khalday Oo La Tarxiilay

    Uchenna Abia iyo Kenneth Eboh ayaa BBC da u sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uchenna Abia iyo Kenneth Eboh ayaa BBC da u sheegay
in ay ku faraxsanayeen dib usoo noqoshadooda. Bishii la soo dhaafay ayaa waxay u u socdaaleen dalkaasi Croatia laakiin booliiska ayaa ku khasbay in la geeyo Bosnia halkaas oo lagu hayey xiro qaxooti ah.


Wasaaradda arrimaha gudaha ee Croatia ayaa sheegtay in aysan ka war heynin sida ay ku danbeeysay xaaladooda halkaa.


Sidee ayay wax u dheceen?

Mr Abia iyo Mr Eboh ayaa si sharci ah ku galay Croatia bishii lasoo dhaafay iyagoo doonayey in ay ka qayb galaan tartanka teyniska-ka oo ka dhacayay magaalada Pula.


Waxaay sheegeen in ay dhex lugeeynayeen gudaha caasimadda Zagreb iyagoo markaasi u diyaar garoobay iney dib ugu laabtan dalkooda Nigeria, markii ay sarakiisha booliis Croatia ay qabanayeen oo ay si khasab ah u geeynayeen xaduudda Bosnia aadan.


"Waxay nagu Khasbeen inaan galno Bosnia. Ma aanaan lahayn kala doorasho sababtoo ah waxay isku dayeen in ay na tooktaan", Mr Eboh ayaa sidaasi u sheegay BBC -da.


"Waxay nagu yirahdeen waxaad ka timaadden Bosnia, waana inaad aadaan Bosnia'", intaa ayuu ku daray hadalkiisa.


Ardayda ayaa sheegay inay isku dayeen in ay u sharxaan saraakiisha in dalku gal saxan ay haystaan balse way iska dhaga tireen.


"Ma garan karno sababta ay inoogu soo direen dal kale habeen saq dhaxe.... waxay nagu Khasbeen inaan saq dhaxe duurka ka gudubno," Sidaana waxaa yiri Mr Eboh.


Kadibna waxaa lagu hayay kaam ku yaala magaalo u dhow xaduuda oo la yiraahdo Velika Kladsa, halkaas oo ay sheegeen in taleefoonadooda looga qaatay.


Bosnia waxa ay wado weyn u tahay muhaajiriinta doonaya in ay u gudbaan Yurub, waxaana soo gaaray dalkaasi muhaajiriin ay tiradoodu gaarayso 45,000 tan iyo bilowgii sanadkii 2018kii. Hay'adaha gargaarka ayaa ka digay in xaalado bini'aadanimo ay halkaasi ku wajahaan dadka aan heysan guryaha marka la gaaro xiliyada qaboobaha.


Mr Abia ayaa dadka reer Bosnia ku tilmaamay in ay yihiin dad wanaagsan, isagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin dadka reer bosnia ee soo booqda kaamka islamarkaana siiya cunada.


Kadib markii ay Nigeria dib ugu soo noqdeen ayaa Mr Abia sheegay in haatan uu dareemayo xurnimo iyo badqab.


Balse dowladda Croatia ayaa beenisay eedeymaasi, iyagoo sheegay in ardayda laga waayey hotelkooda markii laga eegay.

 

 

BBC

Loading...
Loading...