Wajigii 2aad Ee Shirkii Beelaha Direed Oo Boorama Ka Furmay
Hargaysa(HWN)Shirkii beel-waynta direed ayaa maanta ka furmay magaaladda boorama ee xarunta gobolka awdal kaas oo ay iskugu yimadeen dhamaan beelaha ku ab-tirsada Dir.
Shirkan oo ay qaban-qaabinayeen ganacsato,siyaasiyiin iyo madax dhaqameed ayaa noqonaya kulankii 2aad ee ay iskugu yimadaan beelaha direed oo diiradda lagu saari doono sidii loo xalin lahaa khilaafyadda soo kala dhex-galay beelaha ku abtirsadda dir.
Shirkan ayaa sida uu hadhwanaagnews u xaqiijiyay cabdi salaan yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee somaliland ayaa lagaga hadli doonaa qodobo badan oo dan u ah beelaha direed,waxaana Wufuuda ka qayb-galaysaa saaka ilaa shalay ku sii qul-qulayeen magaaladda boorama .
Kulankan ay qabsanayaan beelaha direed ayaa ah mid inta badan lagaga hadlayo xaaladda marba beelaha direed lasoo gud-boonaadda ,waxaana ay ka dhigan tahay in hadda beelihii direed noqdeen qoys kaliya oo midoobay isla markaasna waxa si xawli ah u shaqeeya gudiyadii lagu soo magacaabay shirkii lagu qatay dalka itoobiya.
Warka oo dhan Goor Dhaw kala soco hadhwanaagnews