Golaha Deegaanka Hargeisa oo soo bandhigay Miisaaniyadda 2020-ka

0
Monday December 23, 2019 - 05:15:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Hargeisa oo soo bandhigay Miisaaniyadda 2020-ka

    Hargeisa(HWN):-Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa soo bandhigay Miisaaniyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa soo bandhigay Miisaaniyadda
Hargeisa(HWN):-Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa soo bandhigay Miisaaniyadda Sannadka cusub ee 2020-ka.


Fadhi ay yeesheen Masuuliyiinta Dowladda Hoose iyo Guddiyada xaafadaha ee Hargeysa, ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda ee 2020-ka. Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Deegaanka isla markaana ah Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uu weheliyo maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne iyo Xubno ka tirsan Guddiyada Degmooyinka Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay miisaaniyadda ay dowladda Hoose ku shaqayn doonto sannadka soo socda, iyadoo Maayarku halkaas ugu soo bandhigay guddiyada Xaafadaha Miisaaniyada sannadka soo socda, isla markaasna ay halkaas ku meel-mariyeen.


Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Soltelco oo miisaaniyadda ka hadlayana waxa uu yidhi; "Maanta miisaaniyadeenaasi waxa ay ku taxaluuqdaa qofka bani’aadamka ah ayay ka bilaabmaysaa daryeelkiisa, oo ah dhallinyarta iskuulka dhigata, waxbarashadoodii, caafimaadkoodii, halkay ku ciyaarayeen, waddadii la marayay, caafimaadkii hooyada iyo dhalaanka, waddooyinkii iyo nadaafadii intaasi oo isku xidhan. Waxaannu idiin soo bandhignay mashaariicdii.”

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...