Xiisad Cakiran Oo Mar kale Maanta ka Qaraxday Xuduuda Lowyacado Ee Somaliland Iyo Jabuuti.

0
Sunday December 22, 2019 - 18:50:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Cakiran Oo Mar kale Maanta ka Qaraxday Xuduuda Lowyacado Ee Somaliland Iyo Jabuuti.

    Boorama (HWN) Isku dhac kale oo dibulamaasiyadeed ayaa maanta dhex maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Isku dhac kale oo dibulamaasiyadeed ayaa maanta dhex maray
maamulka Gobolka Salal iyo saraakiisha waaxda socdaalka ee Djabuuti, kuwaas oo labaduba ay aahaayeen baryahan denbe kuwo u muuqday inay  biyo hoostood iska arkeen.

Xurguftan dibulamaasiyadeed ee u denbaysay ayaa salka ku haysa dhinaca ka gudubka xuduuda iyo habmamuuskii ay la haayeen masuuliyiintu, waxana ay ahayd barqadnimadii saaka markii barasaabka gobolka Salal Mawliid Maxmed Nuur Warsame uu ku guuldaraystay inuu u gudbo dhinaca Jabuuti, iyadoo waqtigaasi ay saraakiisha socdaalka Jabuuti ee ku sugan Lowyacado ishortaageen.



Dhacdadan ayuu Barasab Mawliid kaga jawaabay amar culus oo saamayn ku yeeshay dadka ku dhaqan Lowyacado, waxaanu gabi ahaanba joojiyay dhaq-dhaqaaqii dhinaca ganacsiga ee xadka Lowyacado uga gudbi jiray dhinaca Jabuuti.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Maamulka gobolka Salal uu horjoogsaday dadka kasoo doonta xadka dhinaca Djabuuti Quudaarta, Jaadka iyo ganacsiyada kale ee sharaabka iyo biyaha, taasoo saamaysay dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo nolol maalmeedkii awalba koobnayd ee ay noloshoodu ku xirnayd dadka reer Lawyacado.

Macada waxa uu barasaab Mawliid ka doonayay dhinaca Djabuuti, iyo sababta loogu diiday inuu galo midba, balse marka dib loogu noqdo xiisadan dibulamaasiyadeed ee soo noq-noqotay ayaa waxa la tilmaami karaa in ay la kowsatay magacaabidii Barasaab Mawliid Maxmed Warsame, waxana ay dhacdadan u denbaysay dhabar jab ku tahay dadaaladii dhexdhexaadineed ee uu waqtiga ku bixiyay wakiilka Somaliland u fadhiya Djabuuti mud. Cabdifitaax

Sikastaba ha ahaatee muwaadin reer Lowyacado ah oo shabakada la soo xiriiray kana gaabsaday in la xuso magaciisa ayaa isaga oo xiriirinaya badhaadhihii shalay iyo cakirnaantta maanta waxa uu hadalka kusoo afmeeray salaamu laah calaa xujaaj.

Loading...
Loading...