War Deg Deg Ah:- Shirkada Somcable Oo La Sheegay Inay Si Hoose Ula Socota Macaamiisheeda Internet-ku Marka Ay Isticmaalayaan Social Media-yaha.

0
Sunday December 22, 2019 - 18:16:58 in News by
  • Visits: 3488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:- Shirkada Somcable Oo La Sheegay Inay Si Hoose Ula Socota Macaamiisheeda Internet-ku Marka Ay Isticmaalayaan Social Media-yaha.

    War Deg Deg Ah:- Shirkada Somcable Oo La Sheegay Inay Si Hoose Ula Socota Macaamiisheeda Internet-ku Marka Ay Isticmaalayaan Social Media-yaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Shirkada Somcable Oo La Sheegay Inay Si Hoose Ula Socota Macaamiisheeda Internet-ku Marka Ay Isticmaalayaan Social Media-yaha.


Hargeysa(HWN):-shirkada kootada loogu xidhay adeega Internet-ka ee Fiber Optic-ga ayaa bilawday ficilo ka dhan ah dadka macaamiisha ah ee isticmaalka adeegyadeeda.


Shirkada Somcable ayaa dhawaan bilawday inay fara geliso arimaha gaarka ah ee macaamiisha isticmaasha adeegyadeeda Internet-ka iyada oo la socota dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee ay macaamiisheedu sameeyaan marka ay isticmaalayaan baraha bulshada.

Natiijada sawirka Somcable


Shirkada Somcable ayaa la sheegay inay si gaar ah u dhagaysato una akhrisato marka ay macaamiishu isticmaalayaan adeegeeda internet-ka ee ay fariimaha iskugu gudbinayaan E-mail-lada, Whatsapp-ka, Insatgram-ka, skaype-ka, Twitter-ka, facebook-ga, taas oo loo baahan yahay inay dadweynuhu ka taxadiraan isticmaalka adeega Internet-ka ee shirkada Somcable.


Dhinaca kale shirkada Somcable ayaa qeyb ka ah cadaalada darada ka dhacda maxkamadaha dalka sida ay sheegeen Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud oo dhawaan laga soo daayey jeelka weyn ee Hargeysa ka dib mudo ay u xidhnaayeen shirkada Somcable, iyada oo muwaadiniintan xaqdarada lagu xidhay ay masuuliyiinta shirkadu amreen in la duldhigo xukun aan suurtagal ahayn iyada xadhiga gaadhaya 8 sanadood lagu xukumay dad shacab ah oo laga soo qabtay deegaanka Oodweyne kuwaas oo la sheegay inay gooyeen xadhkaha internet-ka oo shirkada Somcable ay dhexmarisay dhul daaqsimeedka gobolka Daad Madheedh.


Sidoo kale maxkamada ayaa shirkada Somcable ku raaligelisay in muwaadiniintaas la dul dhigo ganaax lacageed oo gaadhay $6,65000(Shanyo Lixdan Kun Oo Doolar) taas oo lagu xukumay laba muwaadin oo ilaa hada u xidhan shirkadaasi.


Dhamaan xogtan oo uu Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyey qoraaga weyn ee caanka ah ee Cabdi Shotaly ayuu sidoo kale ku sheegay in haatan ay maxkamada sare ee somaliland ka noqotay xukunkii cadaalada darada ahaa ee ku dhacay dhalinyarada la dul dhigay xadhiga dheer iyo lacagta ganaaxa ah ee xadka ka baxsan.

Loading...
Loading...