Commissionka Doorashooyinka Somaliland Waa Dayaarad Rakaabkii La Luntay.
Runtii mushkiladda Somaliland xagga DOORASHOOYINKA Ka taagan laga soo bilaabo 2017kii waa
COMMISSIONKA Doorashooyinka Cid kaloo dambigooda la
saari karaa ma jiro walaa Madaxweyne walaa Baarlamaan walaa xisbiyada
walaa guurti . Iyagaa kalsoonidii distoorka iyo shacabku siiyeen lumiyey
oo hawada heehaabaya runtiina waa DAYAARAD RAKAABKII la luntay oo kale.
Hadday dayaaradi hawada meeraysato oo meel saxa fadhiisan weydo
RAKAABKII way hadlayaan si ay dhibteeda uga NABAD galaan. Markaa dadka
leh commissionku ummadda wax sharafa kuma laha buuqanna iyagaa u Aabo ah
markay Xukuumaddii KU milmeen oo masuuliyaddii iyo power kii shacabka
iyo distoorku siiyey ay fulintii u daba fadhiisteen. Xukuumaddii qaban
lahayd waataa iyadii aan (function) garayn karayn shaqadii ee KU Dil
habsaantay WADANI iyo reero. Maanta haddii wasaaradda daakhiliga la
waydiiyo SOMALILAND gudaheeda ( people's speaking foreign languages on
the buses,streets,markets and else where) Badi waa Ethiopian e ma
garanayaan imisaa wadanka jooga sharci maku soo galaan imisaa staff
Ethiopian government ah ma garanayaan laakiin SHACABKA reer SOMALILAND
Kala qaybintooday ku fooraraan.
Gudoomiyaha Guurtida DOORASHO dhicimayso ayuu afkiisa sagaashan jirka
kasoo boodsiiyey waa hadal Madaxweynaha , Commission Ka ,Xusbiga
Kulimiye intuba Isla ogyihiin .markaa sidaa ha u socoto hubaal
khudawaatul Shaydaan bay raaceene.
M. Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...