Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Hooyadii Geeriyootay

0
Sunday December 22, 2019 - 13:46:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Hooyadii Geeriyootay

    UJEEDDO: TACSI GUDDOOMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UJEEDDO: TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro], isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, Fulinta, Golaha Dhexe, laamaha dibedda iyo taageerayaasha Xisbigaba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Indho-deeq Jaamac Cumar oo xalay ku geeriyootay 22/12/2019 Magaala madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.



Guddoomiyuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Qoyska reer Kaahin gaar ahaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hooyadii ahayd marxuumaddu. Guddoomiyuhu waxa uu marxuumada Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Waaxda War-faafinta ee xisbiga WADDANI

Hargeysa Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...