Digo Iyo Danbas Baa La Isu Karinayaa ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday December 22, 2019 - 10:33:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digo Iyo Danbas Baa La Isu Karinayaa ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi " laba bide beerka iska og" Waxan leeyahay Xusbi-yadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi " laba bide beerka iska og" Waxan leeyahay Xusbi-yadda
Mucaaridka ah, waxa la idiin dhar-dhaaray dheri kolba digo iyo dambas, la idiinku biyey-naayo,  marka la yidhaaho ka soo ridana, sadexdda dhar-dhaar, ka dhan-koodda xiga laga saaraayo, si uu ugu dheeliyo dhinacoodda, kaas oo aan weliggii bislaanayn intii uu daayeer jirey, ilayn wax laguma ridane, waa laguu daboolay uun, oo hadba ay malgacadda kuugu walaaqayaan waxay huuri-naayaan. ilayn kuma tusayaan waxa ku jira weligoode, waxa-se lagugu maaweeli-nayaa wax yar baw hadhay ee suga, Markauu xaalku sidaas yahay, waxa idinku waajib ah haddii aad tihiin Xusbi-yadda Mucaaridka ah, in aad idina dhagax-baruur malab u marisaan, ha ku miigteen siddii goraya-diiye, oo aad ku tidhaahaan hooya liqa keegan, ha noqdeen laftii dhurwaagu is yidhi dhuux, ee uu eeday kolkii ay ilkaha ka daadisay, waa halkii uu ka lahaa (Ihun) Abwaan Qaasim " Haw dhuran dhurwaaggii, laftuu duuxay eersadaye" ilayn waa la is gondo og-yahaye, oo wax ka go'aana ma ay jiraan " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan, Gaalka suna goyska ah iyo ka ah dameeri dhaan raacday ( Waa baashaha wakiilada'e), Kaas oo aan waxana diidi karin, go'aamina karina, oo amar ay siiyaan labadda askari iyo oday-ga Gaal ku shaqeeya, waxna la waydiin, ee waxaas samee uun lagu yidhaaho.


Nin la yaqaano oo aan abid khasaare mooyee faa'iido keenin, abdo iyo khayr hore mid-na loogu arag hore, caan ahaa oo haddii xumaantu qof noqn lahayd, loogu magac dari lahaa, looguna yeedhi lahaa " Mr Xumaan", baa saaxiibkii lagu yidhi Sama-kaab baa deero dilay, dabeed wuu yaabay, oo u qaadan waayey, una cuntami wayday wixii loo sheegay, inta uu labadda dhafoor qabsaday buu yidhi, waar malaha " Sama-kaab deero ma dilin" ee magac baa loo samaynayaa. Waxan uga socdaa, kuwaad ogay-deen baa wax saxaaya, malaha caqli-giina baa lagu xadaye, oo go'aankii gudidda dhex-dhexaadinta bay aqbaleen baad la idin maqashii-yaye, waa tii sidaas madaxa la idiinku buuxi-yay, hadda ma rumaysa-teen xaqiiq-dda, in ay " Buurti Cal-madoobi Cayn-keeddii Tahay" oo aanay wax-ba iska bedelin. Maalintii aan idiin lahaa waa khamiis-tiiye " Qabyo waa hal-keeddii, qiiq-na waa ka muuq-daa", Waa idinkii i lahaa waa la heshii-yeye, mee heshiiskii? Akhristaw saw tan biishu cunay, ee durbaba isi soo qaawiyeen " Afartii Cifriid ( waa labadda askari iyo labadda gole ku sheeg kuwa ku hor kaaja'e), Waxay la shir yimaadeen saw kama aydin daawan ama dhegaysan war-baahinta bacaacdda ka baxaysa. waxa la yidhi akhrisatw "Cad munaafaq kariyey, baa muumin cuni, waa mid aan dhicine".

Waxan ku soo xidhay maqaalkan, waxa la idiinku yeedhay waad la socotaan, oo idinka oo aan uba tegin bay sii sheegeen, waxa la idiinku yeedhaayo, go'aan-koodiina way sii gaadheen, idin-kana idin kama qarsoona, oo waxa weeye Sharci ku sheeggii jeebka lagu sitay, wuu diiday in la kala eryo waxa ay ku magacaa-been Komishanka cusub. waxana laga bedeli maayo, kii hore-na la soo celin-maayo, oo sharciga baanu waafajinay, halkaas markay uu maraayo xaalku, waxay ahayd in aad ka dhul sugtaan, oo aydaan yeelin, ilaa aqbalaad rasmi ah ay la yimaadaan. Waxay maanta yidhaaheen " Beesha Caalamku nama xukunto" waxna ka sugi mayno, oo anaba waan iska bixin karnaa kharashka doorashadda" Saw war cad maaha gogosha la idiin dhigay, waxa idiin sii yaalaa dermadda aad ku fadhiisan doontaan?. Ma is tidhaaheen haddii aad tihiin labadda Xusbi Mucaarid, may ahayn in aad ku deg-degtaan yeelista gogol baasta, uu ma fekeraha waalan ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" uu fidiyey, waxay ahayd oo idinku wacnaa, in aad halkii hore ku adkaysa-taan, ilaa iyo wax bisil la idin hor keeno, imika iyo dardaaran waxa weeye, taas baa idin hor taala, ee go'aan ka sii gaadha waxad ka yeelaysaan, wax ay ogol yihiin baa iskaba yar caya-yaanka " xaafad-tooyadda ka shimbiro waaqlee-yaaye.

* N.B Cad Munaafaq Kariyey, Baa Muumin Cunayaa, Waa Mid Aan Dhicine!
Qore:- Abdi-Shotaly.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...