"Fahankaygii War-Murtiyeedka Madasha." Cabdinaasir Axmed Abraham.
Djibouti oo isku darsatay ugu yaraan hoggaan faker
wanaagsan ka haysta
danaha siyaasad,dhaqaale-amni ee dunida gaar ahaanna gobolka oo anigu
qof ahaan aan u aqoonsanahay siyaasiga Soomaalida maanta talisa ugu
bisaylka badan. Haddaan sababeeyo Djibouti oo marka deegaannada
Soomaalida la barbar dhigo "Harag sakaaro ah" ayuu quwadihii dunida ugu
waaweyna ku wada qanciyay in uu mid ba dhinac ka fadhiisiyo. Hoggaanka
fakerkiisu halkaa gaadhsiisan yahay ka sokow Djibouti wakhtiga ayaa
saacidayay muddo dheer oo waxa ay ku jirtay gu'geedii, hadda se
is-beddelka Kaalkulasta juquraafi siyaasaddeed "Geopolitics calculas"
ayaa farta ku fiiqaya in wakhtigu dhabarka u jeediyay. Sidaa darteed,
ayuu Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintan si wanaagsan u fahansani damcay
in uu isticmaalo, afkaar dhex marsado, kana dhex hadlo madasha.
Hadda ba Madashu maaha dad Soomaalida deegaannada kala duduwan ku nooli
ay u wakiisheen in ay ku matalaan go'aan ka gaadhista arrimaha
Soomaalidu wada leedahay. Maadaama oo wakaaladda ay innagu matalayaan
aanay haysan si sahlan birta ugu ma jari karaan go'aan qoomiyadda
Soomaalidu leedahay. Sababtuna waa in Soomaali maanta aanay jiritaan
siyaasi ah lahayn. Wax na wada leedahay, wax na kala leedahay, aadna u
qalafsan tahay sidii loo heli lahaa go'aanno aayo-ka-tashi oo ay la wada
dhacsan tahay Soomaalidu. Bal go'aannada noocaas ah ee madasha ku
degdeg tay aan mid ka soo qaato.
● Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.
Halkaa innoo may sababayn xuddunnimada Djibouti waxa ay ku siiyeen.
Ma nabaddaa? Oo sow ta Jigjiga, Hargeysa iyo Garoowe ba nabadda yihiin.
Ma dumuqraaddiyaddaa? Oo sow ka Geelle 20 sanno kursiga ku fadhiya?
Mooyi'e haddana maskaxda Aadamaha ayaa u abuuran doonista wax ay ku
qanacdo.
Waxa wax laga murugooda ah in dawladda Somaliland oo arrinteeda shirkii
Heritage soo qabanqaabisay ee Djibouti aad luugu lafo-gurayay
go'aannadii ka soo baxay na meelo hawlbowleyaal ah lagaga xusay in aanay
xilli 48 saac ka badan weli caddayn aragtideeda ku wajahan barta ay ka
taagan tahay. Sidaa darteed, waxa aan shacab weynaha reer Somaliland uga
tacsiyaynayaa hoggaanka gunnimada qaayibay ee aan dadkiisa dareen iyo
siyaasad midna ku matali karin. Waxa aanan ku talinayaa in qof kasta ba
iskii isku xilqaamo oo sidii caadada ahayd u guto waajibaadka qarannimo
wixii uu baylah u arkayo.
Hal na waa iga ogaysiis oo in aan fagaareyaasha siyaasiga ah cidi
innuugu maqnayn ee taasina sidaa aan uga war qabno. Intaa waxa aan ku
dari lahaa in hay'adda yar ee Heritage la yidhaa ee dawladda Djibouti
gaashaanka ka dhigatay in ay tahay halista ugu weyne ee siyaasaddeed ee
xilligan Somaliland leedahay. "Major Political Threat" Sida oo kale,
waxa jira garab nabad iyo nolol ka mid ah oo uu gadhwadeen ka yahay
Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Jamaal oo iyaguna siyaasad
isir-nacayb iyo arxan-darro sees u tahay wata oo ka shaqaynaya
qabanqaabada shirkana kaalin mug leh ku leh.
Soomaalinimadu marka aanay ahayn jaranjar siyaasi ah ee ay tahay
xidhiidh dhiig iyo wada dhalasho kal iyo laab wax aan ka jeclahay ma
jiro, haddii taariikhda dib loo milicsado na waxa aan ka soo jeedaa
dadka Soomaali jacaylka dhibkii ugu laxaadka weynaa ka soo gaadhay. Ma
jirto Soomaalinimo waxa aan ku weynay xataa wax u dhaw cid ku weyday.
Hadda ba Soomaalinimo run ah oo daacad laga yahay haddii la rabo waa in
waxa aan wada leenahay ahmiyadda la siiyaa oo ah; Afka iyo dhaqanka.
Qodobbada gaalada lagu beer-laxawsanayo ee ay ugu mudan yihiin in
dumarku kaalin muuqata ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda Geeska.
Dhiiri-gelinka dhalliinyarta, la dagaallanka saboolnimada, dawlad
wanaagga iyo dumuqraaddiyadda. Intaas marka gees loo dhigo war
murtiyeedka haddii akhris indheer-garato lagu akhriyo waxa ka muuqata in
ubucdiisu Djibouti u dan tahay marka laga tago wixii lagu raad-gatay.
Tusaale:
1. Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan
ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay
kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan
dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo
haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay
muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay
leeyihiin.Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii
xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh.
2. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.
3. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay
nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta,
dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta
wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku
dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah.
Djibouti ammaan wax aan ahayn war murtiyeedka ugu ma jiraan bal
hadda ba aan eeg Somaliland iyo Soomaaliya iyagana waxa ay madashu ka
tidhi.
☆ Soomaaliya; madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay
daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu
waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka Soomaalidu.
Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee
soo noqnoqda.
☆ Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku
bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda
Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee
dhanka aqoonta iyo caafimaadka.
☆ Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee
Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya
iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal
iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku
baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka
doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta
xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni.
☆ Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku
qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda
dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah."
☆ Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo
nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in
isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid
masiiri ah."
☆ Somaliland; madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed
ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray
Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka
nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada
Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda
deegaannda Somaliland."
☆ Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo
wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal
waara looga gaaro arrinta Somaliland.
Dulucda haddaa abbaaro madashu Somaliland iyo Soomaaliya oo
doorashooyin ka dhacaanna dhalliil bay dusha uga tuureen Djiboutina
ammaan. Aniga caqligayga yari uu diiday oo way iga daadegi weyday
arrintaasi,
LA SOCO ..
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...