Mudaharaad Maku Daynaa Caalamka Aynu Ku Diidayno Baasabooradooda (Foreign Passports), Kuna Dalbanayno Basaborka Somaliland (SomalilandPassport) ?.

0
Wednesday March 27, 2019 - 11:58:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Maku Daynaa Caalamka Aynu Ku Diidayno Baasabooradooda (Foreign Passports), Kuna Dalbanayno Basaborka Somaliland (SomalilandPassport) ?.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ku Jujuuba inay Caalamku i

Jiritaankeena Dawladnimiyo

Jamhuuriyadeena Aqoonsadaan

Hadday noo jixinjixi waayaana

Jeex jeexa waraaqadahooda

Oo Jeeniga kor ugu qaata

Jaldigeena Somaliland (Somaliland Passport)


 

Murti Soomaaliyeed oo an kasoo gaadhay geestaa iyo Awoowyaashay Galbeedka Somaliland, ayaa waxay ahayd; COLKA WADHAF MA LAGU DAYAY?. Murtidaas waxay ka tarjumaysa sida Soomaalidu u yihiin talo keenka, talo wadaaga iyo talo raaca, iyagoo ku dabbaqaya kolba xaaladii taagan wakhtigaasi xaadirka ah. Murtidaai waxan odhan karaa waxa kale oo ay salka ku haysaa, Murtida ama maahmaahda kale ee soomaaliyeed ee tidhaahda MALE RAG WAA DHAWRTO.

 

Hadaba malahaygu wuxu yahay. Haddii aqoonsigii caalamku inagu raagay oo raftay, makaga soo wareegi karnaa Jiho cusub oo hor leh, oo an u badheedhi karno halisteeda si an u gaadhno himiladeena iyo hadafkeena ah inaynu ahaano Dal iyo dawlad Caalam waynuhu aqoonsanyahay?. Si kale hadaynu u dhigno; Maku dayi karnaa Caalamka inaynu iska diidno Passportska ay ina siiyaan, oo an ka codsano inay Passportka Somaliland noogu dhuftaan sharciyada ay na siinayaan,?

 

Qof kasta oo qurba joog ah, oo dalkan xil ka haya, isla mar haantaana haysta dhalasho dalal kale, ma qaadan karaa Somalialnd Passport?, oo mudaharaadka ma ugu horrayn karaa, ilayn hadii sharciga dalkuu deganaa lagala noqdo, dalikiisuu xil u hayaa, oo iska joogi karaaye? ANIGU diyaarbaan ahay, inaan iska tuuro ‘British Passportka’ an imika gacanta ku haysto (Sida ad ku aragtiin sawirka), markay i hor dhaqaaqaan Madaxda, Wasiirada, Agaasimayaayasha, Xildhibaanada, Maalqabeeenada, Porofessorada IWM ee u dhashay Somaliland isla mar ahaantaana dhammaantood sita Baasasbooro ama dhalasho wadamo shisheeye. ADNA diyaar ma tahay?

 

Hadal iyo dhammaantii; BURBURKU DHAB HADUU KAA YAHAY, BILAAWAHA DHIIGA MARI. Haddii baroorta ictiraaf raadisku inaga dhab tahay, aynu Baasaboorada Somaliand qaadano oo ku badalno kuwa shisheeye ah.

 

Jawiga waad badali kartaa (Haajir/dhoof/tahriib)

Jarmalka waad degi kartaa (Wadamo kale)

Juqraafiga waad baran kartaa (Aqoonta)

Jidhka waad caddayn kartaa(Isbadal jidh, dhaqaale, ijticimaaci..iwm)

Kala jaad waad ku hadli kartaa (Luqado)

Jaldi waad samaysan kartaa (Passport)

Jago sare waad gaadhi kartaa

Jeebkaagu wuu buuxi karaa

Daaro waad jeexan kartaa

Codkaaga waad Jeedin kartaa (Vote)

Xaqaaga waad jaran kartaa

Xorriyad waad ku juuqi kartaa (hadal)



Jinsigaaaguse ma guuri karo (Sinji)

Ma Jarmi karto xundhurtaadu (dhalasho)

Ma jeemi karo dhiigaagu (dhaqan)

Jedkaagu ma tirmi karo (Abtirsiin, qooys/qabil)

Mana Jiriri karto Addunaydan

Jeeska Hooyo meel loo dhigi karo.

Oo farxad lagu jalbeebi karo

Jagijagidana lagu dheeli karo

Oo la wada quudan karo Jidiin (Cunto)

Jalna la wada qaadan karo (cabitaan

Oo Naxariis loogu Joogi karo

Jacaylna loogu jiifsan karo

 

Talo waxan kusoo Jeedin karaa

Jaalliyadda Soomalilandneey

Gees kasta oo ad Jirtiinba

Ku Jujuuba inay Caalamku

Jiritaankeena Dawladnimiyo

Jamhuuriyadeena Aqoonsadaan

Hadday noo jixinjixi waayaana

Jeex jeexa waraaqadahooda

Oo Jeeniga kor ugu qaata

Jaldigeena Somaliland (Somaliland Passport)

 

Ilaahaybaa Mahad Leh, Muxammadbaa Sharaf Leh

 

Cabdiqani Suldaan (Abwaan HiilDan).

Hargaysa – Somaliland

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...