Maansada Tacabir

0
Saturday December 21, 2019 - 14:19:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maansada Tacabir

    Maansada tacabir waa maanso ka waramaysa dhibaatada tahriibta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansada tacabir waa maanso ka waramaysa dhibaatada tahriibta
ay u leedahay hadba bulshada u ambo-baxda  sadcaalkaa sharci darada ah.

Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal (darwiish) waxaanay si dhab ah u soo banbixi naysaa dhibka iyo daranyada qofka qabsata maantuu bilaamo inu naftiisa ku hogaamiyo meeshaa mahlakada badan ee marar badan nafta lagu waayo.

*    Adigoon tahriib gelin

*    Ama tubaha dhaadheer

*    Nafta aan ku tuurin

*    Talyaani adoon tegin

*    Ama turki ka sheekayn

*    Tabaalaha aduunyada

*    Tabcashada dalkaagaa

*    Horta lagu taabaayoo

*    Beryo laysku taagaa.

 

*    Tahriibtu waa biime

*    Tamootidu dhinac taal

*    Marinkeedu waa tacab

*    Tamashlayn ka dheertahay

*    Tacadina u dheer yahay

*    Ku tumashada dadweynaha

*    Dhimashadoodu garabtaal

*    Taarkeedu waa ciil

*    Tiiraanyo weheliso

*    Hableheena tiriigiyo

*    Taajir iyo ayaanba leh

*    Hadba tooda goosha ah

*    Ajanabigaa turuqa weyni

*    Miyey Dharag uga tageen

*    Intaas oo wada tilmaamo ah

*    Oo wada tiiraanyo ah

*    Iyo qaar kaloo kasii togan

*    Oo ay tarjumaanadeediyo

*    Ragii soo tabiyey joogaan

*    Tahriibaa u aabee

*    Dhalinyarooy u toog hay.

*    Dhulkeenan tacabka leh

*    Ee wada tilmaaman

*    Xab-xabkiyo tamaandhada

*    Timirtiyo babaygiyo

*    Tufaaxiyo beeyada

*    Hadhuudhkii tolmoonaa

*    Waxa canab tisqaadee

*    afgooye u gaar tahay

*    togdheer goonyaheediyo

*    toomaha aroori iyo

*    ama sabadii tiyigloow

*    jamaame tuurihiisiyo

*    togogaa wajaalee

*    tartarada jabshee

*    soo tuuray badarkee

*    waa toban kun oo mayl

*    dhulka lagu tanaadee

*    gaajadiyo tamootida

*    ama tabaalaha aduunyada

*    aan laysku tebin weligeed

*    dad waxbuu is tusaaye

*    naftaad biime ku tuurtay

*    hadaad toobiyaha qaado

*    oo talyaani isku tuurto

*    tacabkaagu waa adoonimo

*    xoriyaadu waa tuuris

*    dhaqankaagii soo taxnaa

*    tifta horeba waa saydhi

*    kooda wada tafantoofka ah

*    judha hore isku taag weeye

*    shisheeyaad ku tolantoo

*    taws baad ku maqan tahay

*    abaal kuuma tabcaane

*    tooday kugu fulinayaan

*    tuugyo aam damahayn

*    waligaa la taagnow weeye

*    cibaadadiyo tawxiidka

*    tacabkiyo waxqabadka

*    tastuurkii islaamkaba

*    ha ku tiraabin weeye

*    meel khamriga lagu taftirey

*    laysu tabiyo xashiishada

*    diintaada tuur weeye

*    islaamkana ka tag weeye

*    intaas oo wada tilmaamo ah

*    iyo qaar kaloo kasii togan

*    oo ay tarjumaanadeediyo

*    ragii soo tebiyey joogaan

*    tahriibaa u aabee

*    dhalinyarooy u toog hay.

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...