Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Biyo La'aaneed.
Hargaysa (HWN) Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa shaaciyay in xaalad abaareed oo biyo la'aaneed ku dhufatay deegaanada Gobolka Maroodi-jeex , xukuumaduna
bilawday biyo dhaamis, sidaana waxaa uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu saaka
xafiiskiisa ku qabtay.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in xal loo helay dhalinyaradii magaaladda dadka Ku dhibaatayn jiray kuwaas oo midiyihii ay dadku ku dhibi jireen hadda loogu badalay garamaanta ciyaaraha.
Badhasaabka ayaa sheegay in daba yaaqada sanadkan aynu ku jirno lasoo gunaanadi doono dhalinyarada dadka ku dhibta magaalada xukuumaduna ay jihayn doonto dhalinyarada.
Xiliyada habeenkii ayaa kooxo dhalinyaro ahi ay dadka ku dhibaan xaafadaha qaar ku waasi oo inta badan dadka ka qaata moobilada, haddii qorshahan uu Badhasaabku ku dhawaaqay ee jihaynta dhalinyaradu ay hirgashana waxaa yaraan doona dhibaatada dhalinyarada dadka dhibaateeyaa ay samayn jireen.
Warkan Oo Muuqaala Goordhaw Kala Soco Shabakada Hadhwanaagnews.
Loading...
Loading...