Sababaha Hortaagan Doorashooyinka Somalilaan May Sababin Mucaaridkuee Waa Sababo Siyaasadeed Oo Malaasan. Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK
Somalilaan markaad Dastuurkeeda akhrido waa Dimuqraadi laakiin
waxay
jebisay qodobadii bud-dhiga u ahaa Dimuqraadiyadii ay dhigatay ee
Dastuurka ugu qornaa maadaama ay ku fashilantay in ay qaran ahaan
Doorashooyinkeeda ku qabato waqtiyadii loo mudeeyey ee loogu talo
galay, nasiib darada dalka ku habsatay bal eega :
1- Golaha Guurtida waxaa doorasho ugu danbeysay sanadkii
1997- waxaana ay fadhiyeen
22
sanadood oo doorasho la'aan ah , halka la doortay
6 sano oo keliya
2- Golaha Baarlamaanka waxaa doorasho ugu danbeysay
2005- waxaana ay
fadhiyeen 14 sanadood oo doorasho la'aan ah, halka la doortay
5 sano oo keliya.
3- Golaha Degaanka waxaa Doorasho ugu danbeysay sanadkii
2012- Waxaana ay fadhiyeen
7 sanadood oo doorasho la'aan ah. Halka la doortay
5 sano oo keliya.
Waxaa iyana ayaan daro ah in mudo kordhinta goleyaasha wakiilada loo
sameeyey aanay aheyn mid farsamo ee ay tahay mid ku fadhida dano
siyaasadeed oo qoto dheer.
Somalilaan waa dal Dimuqraadi sheegta oo hadana Dastuurkiisa
jebinaaya oo Doorashooyinkiisa waqtigooda aan ku qaban taasina
"dimuqraadiyad ma aha".
Somalilaan waa dal shacabkiisaa aan ixtiraameyn oo u diidaaya in ay
doortaan xildhibaanadooda taas oo keentay in maanta
qiyaamkii dawladnimada Somalilaan uu saqiiro oo dhinaca u dhaqaaqi
waayo, waxaana cadeyn kuugu filan Goleyaashii wakiilada ee qaranka oo
markii ay tahli waayeen isku xukunkii dastuurka iyo shuruucdiisii laga
aamin baxay oo taladoodii si cadaan ah loola wareegay "sida gudida
dhex-dhexaadinta ee go'aamada dhex-dhexaadinta xisbiyada dhawaanta soo
saaray ay taladii Guurtida iyo Wakiiladaba ula
wareegeen". Waxaa Somalilaan hawshoodii gabay oo saqiiray labadii Gole
qaran ee dawladnimada bud-dhiga u ahaa.
Waxay gudidii hore ee komishanku cadeeyeen in doorashada lagu qaban
karo mudo 10 bilood taasna lama dhegaysan. Maanta JSL Waxaa bur buray
geedi socodkii iyo dimuqaariyadii dalka ka hano qaaday mudadii 28
sanadood ee la soo dhaafay. Waxaana soo if baxay in xukuumadu ay geedi
socodkii doorashooyinka ay god madow ku sii riday. Sida ku cad
Dastuurka qaranka xoriyada muwaadinku waa xaq dastuuri ah. Waxay
xukuumadu komishanka cusub ka dudey xeerarkii iyo shuruucdii loo dhigay
ee lagu dooranaayey.Arimahan cakarini waxay sii shidaalinayaan xagal
daaca iyo dib ugurashooyin ku sii yimaada Dimuqraadiyadii curdinka
aheyd ee Somalilaan ku taameysay mudada dheer. Waxaana sii kordhaaya
mixnadaha malaasan, quluubaha kala jeeda iyo siyaasadaha beeleysan ee
danaha gaar ka ah ku qotoma..
Gunaanad: Waa in dawladu ixtiraamtaa Dastuurka iyo
isku xukunka shuruucda dalka. Waa in dawladu ixtiraamto baahida ay
shacabka JSL uqabaan in ay wax doortaan oo u codeeyaan Xildhibaano
cusub, si loo helo Xildhibaano cusub oo metela dhamaan Goleyaasha
qaranka JSL. Waa in xukuumadu la timaado feker cusub iyo hal-abuur cokan
iyada oo mar walba mudnaanta siinaysa qabsoomida Doorashooyinka
Baarlamaanka iyo Gole yaasha Degaanka. Waa in ay xukuumadu meesha ka
saartaa komishan ka cusub kuna dhawaaqdaa komishan cusub oo lagu wada
kalsoon yahay.
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw
fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...