Faysal Waraabe Oo Xamar Shaqo Ka Quudaraynaya By Amir Bidde

0
Saturday December 21, 2019 - 08:38:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Waraabe Oo Xamar Shaqo Ka Quudaraynaya By Amir Bidde

    Muddadii uu socday muranka guddida cusub ee doorashada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddadii uu socday muranka guddida cusub ee doorashada,
Faysal wuxuu ku mashquulay arrimo Soomaaliya ku lug leh. Markii baarlamaanku guddida ansixinayeen wuxuu ku maqnaa dibadda (Yurub) oo la sheegay inuu wada hadallo qarsoodi ah mudda 3 jeer ah la yeeshay niman hormuud ka ah siyaasadda Soomaaliya. Markuu soo noqday wuxuu weerar ba'an oo afka ku qaaday golayaasha sharci dejinta iyo xukuumadda. Wuxuu xarunta xisbiga UCID ku abaabulay shir u ku casuumay madaxda xisbiga waddani, waxa la galay is-abaabulid wayn oo wada jir ah oon hore looga baran 2da xisbi. Waxa la sameeyey guddi wada jira oo maalin walba xarunta UCID ku kulanta. Wuxuu Faysal noqday afhayeenka labada xisbi. Maalin walba hadallo ayuu saxaafadda ka jeediyaa uu ku durayo dhammaan 3da waaxood ee Somaliland dawlad ahaan ka kooban tahay oo ah sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka. Oo ah 3da rukun ee dimuqraadiyaddu ku taagan tahay. Wuxuu ka dhigay waxaan jirin.


Dabadeedna iyadoo arrini sidaa u qasan tahay ayuu si degdega ugu baxay Nairobi, oo qiyaastee looga yeedhay. Wuxuu madaarka Cigaal ka sheegay markuu ka soo noqday Nairobi inuu kulanno la lahaa siyaasiin ka socday dawladda Soomaaliya. Wuxuu yidhi waxaan ka tashanaynay sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa Itoobiya oo Soomaaliya dhammaan qabsanaysa. Waana arrin uu wado safiirka Maraykanka ee Nairobi, ayuu yidhi. Wuxuu kaloo sheegay in Somaliland na qayb ka tahay Soomaaliyada la qabsan rabo. Wuxuu yidhi hadallo la yaab leh oo ku hadaaqayo ay ka muuqato in Nairobi looga soo dhiibay. Hadalladaa oo uu ku weerarayo jiritaanka Somaliland. Waa markii u horraysay ee Faysal ku qudbadeeyo shir beeleed inuu rabo. Arrintan oo hore waddani uga dhawaajay ayuu si buuxda u xaqiijiyey. Shirbeeleed oo macnihiisu tahay in laga noqdo gooni isu taaggi Somaliland.


Laba cisho ka dib xaflad jaamacadeed lagu qabtay Boorama ayuu hadalkii ku ceshay uu reer Boorama si cad uga codsaday inay mar labaad shir-beeleed u qabtaan beelaha Somaliland.  Nin wasiira oo reer Boorama ah ayaa u jawaabay oo yidhi ma 26 sano ayaad dib noo celinaysaa. Shirka 26 sano ka hor halkan (Boorama) ku qabannay dawladnimo ayaa lagu raadinayay. Waa lagu helay, waana la dhisay dawladdaa dimuqraadiga ah ee codka dadwaynaha kursiga u sarreeyo lagu fuulayo. Ka dibna mdxwayne ku xigeenka oo ka mid ahaa martida xafladdaa ayaa hadallo noocaa oo kale ah ugu jawaabay Faysal.


Si fudud oo hufan oo bilaa naxli ah ayaa Faysal dhulka loola dhacay. Isagoo bisad ka yar ayuu Boorama ka soo hulleelay.


Iyadoo weli u socdo is mari-waagii iyo murankii cirka isku shareeray ee xisbiyadu ayaa Faysal misna looga yeedhay Dubai si uu ula kulmo hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliya. Telefashanka Hctv oo maalintii guddida dhexdhexaadintu go'aanka soo saartay waraysatay, isagoo weli Dubai ku sugan, wuxuu Faysal si xun u duray oo uu dagaal ba'an ku qaaday mdxwayne Biixi . Wuxuu Somaliland ku tilmaamay dukaan Muuse Biixi leeyahay (dal jira maaha ee dukaan nin leeyahay). Iyadoo heshiisyada guddida ku jireen inaan la is aflagaadayn oo xisbiyada mucaaridku ixtiraamaan madaxda dalka. Weriyihii baa ku yidhi adigu miyaanad xisbiga UCID ka dhigan dukaan aad leedahay, tan iyo sidii loo aasaasay xisbiga ayaad guddoomiye iyo musharraxba ka tahee? Madaxuu xoqxoqday, wuu isku meeraystay..


Waxa la waydiiyey wuxuu ka qabanayo Dubai, wuxuu sheegay inuu siyaasiinta Soomaaliya kulanno la leeyahay,  sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa. Markan cidda laga badbaadinayo wuxuu ku sheegay Farmaajo. Weriyihii ayaa ku yidhi: Somaliland baa qasane, maxaa Soomaaliya kaa galay?


Wuxuu Faysal iska dhigay inuuna su'aasha maqal, waa loogu celiyey kadbibna marba dhinacbuu u jeestay, madaxuu xoqxoqday wuuna nabadgelyeeyay weriyihii.


Faysal ma saalloona.... arrinta Faysal hay'adaha ammaanku ha hubiyaan!

 

Wallaahu aclam,

A.   Amir Bidde

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...