Awood Qaybsiga Golayaasha Qaran (Check And Balance)

0
Saturday December 21, 2019 - 08:26:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awood Qaybsiga Golayaasha Qaran (Check And Balance)

    Waddamada dimoqradiga ah intooda badan waxay leeyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddamada dimoqradiga ah intooda badan waxay leeyihiin

 Sadexda dhar-dhaar ama taayir ee ay ku socoto dowladnimadu waa Golaha xukuumadda,Golaha sharci dejinta iyo Golaha garsoorka, sadexdan gole waxa ka Dhaxaysa wada shaqayn sida goobada oo kale ah(Circle) waxayna leeyihiin shaqooyin u kala cayiman waxana ka dhexeeya isku xidhnaan iyo dabar habkan ayaa loo yaqaan (Check and balance).



Habkani wuxu sahlayaa hab sami u socodka howlaha qaranka iyo inaanay awoodda xukunku noqonin mid meel keliya ku Urursan,waxa kaloo ay waddanka ka ilaalisaa fowdo iyo muran


Haddaba noocyada awood qaybsigu laba nooc ayuu ka kala yimaaddaa midda koowaad waxa y u dhaxaysaa Xukuumadaha Federalka ah iyo maamul gobleedyada dowladaha uu qaabka xukunukoodu yahay Federal ta labaadna waa awood qaybsiga Sadexda Gole qaran waa baarlaaman,Fulinta iyo Garsoorka sida caadiga shaqooyinka ay kala qabtaan waa sidan;-


GOLAHA FULINTA

Ø Madaxweynaha ayaa ah Taliyaha guud ee Ciidamada kala duwan

Ø Golaha Fulintu wuxu leeyahay awoodda daad guraynta ciidamada gudaha iyo dibaddaba.

Ø Waxay ku gacan saydhi karaan go’aamada ay soo jeediyaan golaha sharci dejintu muddo cayiman.


Ø Waxay ku dhawaaqi karaan xaaladaha deg degga ah hadday dhibaato soo wajahdo waddanka.


Ø Waxay geli karaan heshiisyo u baahan ansixin golaha sharci dejinta iyo kuwa aan u baahnayn ansixin labadaba.


Ø Waxay diidi karaan ama dib u dhigi karaan cafisyada loo fidiyo dadka qaranimada ka soo horjeedsada marka laga reebo maamus ka xayuubinta madaxweynaha.


GOLAHA SHARCI DEJINTA;-

Ø Waa isha ay ka soo burqadaan shuruucda iyo xeerarka dalka lagu maamulaa,Waxay ansiyxiyaan mooshinada (bills) waxayna ku sameeyaan wax ka beddel kaabis shuruucda.

Ø Waxay ansixiyaan maaliyadda qaranka,waxayna baadhis iyo dabo gal ku sameeyaan habka cashuur ururinta iyo ganacsiga.


Ø Waxay awood u leeyihiin inay ku dhawaaqaan dagaal

Ø Waxay awood u leeyihiin inay baadhaan,dusha kala socdaan habsocodka howlaha xafiisyada dowladda


Ø Waxay ka doodi karaan sharciyada aan khaaska u ahayn golahooda

Ø Waxay ansixin karaan heshiisyada uu madaxweynuhu la soo galo cid kale talona way ku yeelan karaan


Ø Waxay awood u leeyihiin maamuus ka xayuubin hadday tahay madaxweynaha ama guddoomiyaha maxkamadda sare haddii ay helaan shariciyad ku filan.

Ø Waxay ansixiyaan wasiirrada iyo gudoomiyayaasha uu soo magacaabo madaxweynuhu.


GOLAHA GARSOORKA

Ø  Waxay go’aamiyaan sharci kasta oo golaha sharci dejintu soo saaro inuu yahay mid lagu dhaqmi karo iyo in kale


Ø Waxay dib u eegaan heshiis ay xukuumaddu la soo gashay xukuumado kale ama xeerarka dadka lagu maamulayo inuu ka hor imanayo dastuurka dalka u yaalla iyo in kale

Ø Waxay go’aamiyaan habka uu goluhu u xalin karo khilaaf jira.

Ø Waxay go’aamiyaan habka uu sharcigu u dhaqan gelayo

Ø Waxay fasiraad ku smaeeyaan qodobada sharci ee lagu murmo.

QAABKA AY ISU MIISAAMAN GOLAYAASHA QARANKU

1.   Golaha xukuumaddu wuxuu awood u leeyahay inuu hubiyo oo uu diidmo qayaxan ku hor istaago sharciyada ay rabaan inay soo saaraan ama ansixiyaan,haddii ay u aragto inuu khaldan yahay.


2.   Golaha sharci dejintu waxay xaq u leeyihiin inay sadex meelood laba ku meel mariyaan sharciga xattaa haddii ay xukuumaddu ka hor timaaddo.


3.   Golaha Garsoorku waxay xaq u leeyihiin in labada golaba waa ka xukuumadda iyo ka baarlamaanka sharciyada ay isku qabtaan inay ku dhawaaqdo inuu sharci yahay oo uu waafaqsanyahay dastuurka ama aanu waafaqsanayn.


4.   Madaxweynaha ayaa soo magacaaba Guddoomyiaha maxkamadda sare golaha wakiiladu wuxu ku ogolaanayaa cod hal dheeri ah 51% halka marka madaxweynuhu shaqada ka caydhinayo loo baahanyahay cod aqlabiyad ah sadex meelood laba.


Haddaba marka uu waddanka ka jiro nidaamkan loo yaqaan (check and palance) waxa la rajaynayaa inuu wadankaas golayaashiisu shaqeeyaan oo aan la helin god daloollo ay ka soo galaan dad shisheeye iyo cid markaas aan loo igman shaqadan.

 

Waxaa muhiim ah in shuruucda la barto isla markaana sharcigu uu ahaado ka sarreeya ee lagu kala baxo,haddii arrintaas la helo muran kasta oo sharci wuxuu marayaa jaranjarradan sidaasna wuu ku xallismayaa.

 

Rashiid odowaa M.A.Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...