Shacabka Somaliland Oo Ay Fajiciso Ku Noqotay Sawir Laga Qaaday Ciidanka Booliska Oo Garaacaya Hooyo.
Sababta loo Garaacayo iyo Qiso Xanuun Baddan Warbixin:-
Hargeysa(HWN)- Dadka Inta ugu Baddan ee Baraha Bulshada Isticmaala Waxa ay Shaley
Siweyn isu Weydiiyeen Haweenay Ciidamada Booliska Tog-Wajaale
Garaacayaan iyagoo Tirra badan Taas, oo aan Nooceeda hore looga Arag
Somaliland si (Caddaan), ah
Haddaba Hadaan idinla Waddaago Dhacdadaasi Iyo halka ay Sabab ku
laheyd, Habeenimadii Sabtidii Toddobaadkii hore 14/12/2019ka Waxa ay
Ciidamada Booliska Tog-Wajaale Xabad ku Rideen Sadex Qof oo Soomaali ah
iyo Laba Qof oo qawmiyadda oromada ah oo Wada Saaran Gaadiidka Bajaajta
loo Yaqaan Xabadaasi Waxa ay ku Dhacdey Mid kamid ah Dhalinyaradii Reer
Tog-Wajaale Marxuum Caydaruus Markii intaasi dhacdey Wey kala firxadeen
Kadibna Waxa uu Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir oo Xabaddu ku Dhacdey
naf Xarbigii ula Cararey Beer aan La goyinin oo uu ku Dhex dhacay
kadibna ku Dhiig-baxey halka Intii kalena Dhinaca Galbeed u Baxsadeen.
Intaa kadib Waxa halkaa ku Geeriyooday Marxuumka Xabaddu ku Dhacdey oo
Da,diisu tahey 20 jir Waxaanu Beertaa dhexyaaley isagoo meyd ah Wakhti
aan ka Yareyn shan Caana-maal iyaddoo intii ka Dambeysay habeenka
dhacdadaasi dhacdey, Marxuumkaa hooyadii Baadigoob u Gashey halka uu Ku
Sugan yahey, Kadib Markii uu u Sheegay Yarkii Bajaajta Watey in 'Lawada
eryadey' islamarkaana uu u malaynayo, in 'la Taxaabay' Markii ay
Hooyadaasi intaa maqashey Baadidoon dheer ayay gashey Saldhig Walba Wey
tagtey, Meel Walba Wey martey Socod Lug ah iyo Mid Gaadiidba! Waxaanay
Gaadhey ilaa tuulada Magaalada-Cad oo Galbeed ka Xigta Tog-Wajaale.
Ugu Dambeyntiina Waxa ay hooyadaasi Weydiisay yarkii halkii lagu helay
Markii ugu Wardambeysay,kadibna Waxa ay lugteedda ku tagtey isla goobtii
oo aheyd halkii Wiilkeeda Xabaddu kaga dhacdey, ' Waa Arin Xanuun
Baddan oo Murugo iyo Caloolyow leh Hooyada oo Baadigoobaysa Beerkeedii
iyo Waxa ay halkaa kala kulantey Maxaa Dhacey?.
18/12/2009 Maalintii Arbacadii Ayey ku jarmaadey Hooyadda Wiilkaa
Marxuumka ah dhashey Halkaasi oo u dhaw Beertii Meydka inankeeda Yaaley,
Waxaana Abaaro 8dii Subaxnimo u Sheegay hooyadaasi Wiil Lo, eegaya in
Qof Meyd ah y oo aad u Da,yari dhexyaalo Beertaasi Islamarkaana, uu
Waraabe Cunay Markiiba Waxa ay aragtey Maryihii uu Xidhnaa oo ay Sitoos
ah u garatey in uu Xidhnaa Markii u Dambeysay, Waxaanay halkii Qabsatey
Baroor ay Markiiba La suuxdey oo iyadda lafteedii laga waayay Naf iyo
Naqasba.
Kadib Markii lasoo ururiyay Qeybaha ka hadhey Hambadii Waraabaha ee
Meydka Marxuumkaasi Waxa dhacey in ay Gadood iyo Qeylo dhaan ku Dhufteen
Haweenkii Xigtada Hooyadaasi oo Ka Argagaxey Waxa dhacey iyo sida ay
Xogogaalka ugu ahaayeen Baadigoobka Hooyadaasi ugu jirtey ilmaheeda.
Haddaba Hooyada ay Ciidamada bookisku ku Garaacayeen magaalada
Tog-Wajaale Waxa ay kamid aheyd Haweenkii xigtada u ahaa Hooyadaa
ilmaheeda La toogtey haddana Meydkiisii la qariyay ee Waraabuhu Cunay.
Inaalilaahi Wa Inaa ileyhu Raajicuun.
NP:-(Fiiro-gaar ah)
Ciidamada Booliska Tog-Wajaale Waxey habeenkii Baacsadaan
Tahriibayaasha Oromada kuwaas oo ay awal hore Ciidamada Socdaalku kali
ku ahaayeen, Waxaanay uga barteen dhadhamo, halka Marxuumka iyo Kooxdan
Bajaajta Saarnaa iyaguna ka shaqeynayeen Ciidamadu may Gudan Waajibkaasi
Kadib Markii ay dhugteen in Xabadoodii qof ku Dhacdey Waxey Doorbideen
in ay iska aamusaan oo iska laabtaan.
Loading...
Loading...