"Dad Gaar Ah Baa Lagu Naas-nuujin jiray Shaqadii Iyo Adeegyadii ay Dawladdu..."

0
Saturday December 21, 2019 - 03:06:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dad Gaar Ah Baa Lagu Naas-nuujin jiray Shaqadii Iyo Adeegyadii ay Dawladdu..."

    "Dad Gaar Ah Baa Lagu Naas-nuujin jiray Shaqadii Iyo Adeegyadii ay Dawladdu..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad Gaar Ah Baa Lagu Naas-nuujin jiray Shaqadii Iyo Adeegyadii ay Dawladdu..."
Hargeisa(HWN):-Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel ayaa tallaabo boggaadin mudan leh ku macneeyay go’aankii uu madaxweynahu gacanta ugu soo celiyey adeegyo qaranka muhiim u ahaa oo uu sheegay in lagu naasnuujin jiray shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas oo lacago malaayiin doolara ku cuni jiray, isagoona xusay in go’aanka madaxweynaha uu salka ku hayo fulinta balanqaadkii uu hore u sameeyay ee dhigayay in shirkad kasta oo adeeg dawladeed lagy wareejiyay dib loo eegayo heshiishyadii lala galay. "Horuu madaxweynuhu amar uga bixiyey 2018-kii in dhammaan shirkasta oo heshiis lala galay, heshiiskeedii dib loo eego, dabadeed lagala wareego, loona qiimeeyo wixii ay lahayd, arrintaasina waa tallaabo aad iyo aad loo soo dhaweeyo.



Garyaqaan Xuseen Belel waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland aanu ka jirin shuruuco lagu dhaqmo oo loo sameeyay tallaabooyin uu ugu yeedhay naas-nuujinta ee adeegyadii ay dawladdu qaban lahayd, balse waa sida uu hadalka u dhigaye ay ku timid dookh iyo doonista dad aanu magacaabin, waxaanu ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay in Hantida qaranka lagu naasnuujiyo shirkado iyo shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo uu tusaale u soo qaatay warqada waddo-marista gaadiidka, iyo warqada loo qoro qofka marka uu dhaawac soo gaadho ee loo yaqaano Rifeertada ee ay bixiyaan saldhigyadu.
"Dad gaar ah baa lagu naas-nuujiyey shirkado iyo shaqadii adeegii dawladu dadka u qaban lahayd oo malaayiin doollar baa lagu cunay. Dalkeennu ma laha waxa la yidhaahdo, Puplic Private Paternship, ama siyaasad iyo xeerar u abuuran oo loo sameeyay oo lagu dhaqmo, laguna ilaaliyo arrimahaas. Laakiin dad caashaq uun bay ahayd iyo dookhooga uun ah oo iyagu doonaya inay cid ku naasnuujiyaan, tusaale ahaan waa adiga oo kale oo aan ku idhaahdo mashruucaa adigu wado. Wixii dawliga ahaa oo madbacadda qaranka waad aragtay, waxa la sheegayay in warqada Rifeertada ee marka qofku dhaawacmo loo sameeyo, waxa la siiyay cid oo haysatay.” Ayuu yidhi

Geesta kale, Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel waxa boggaadiyey go’aamadii dhawaan ay soo saareen ergadii dhexdhexaadinaysay mucaaridka iyo xukuumadda, isla markaana rejo wanaagsan laga qabo inay xal u noqdaan khilaafyada taagan.

Waxaanu xusay qaabka go’aamadaasi sharciga loo waafajin karo, oo uu ku sheegay saddex arrimood midkood. "Laba arrimood bay noqonaysaa, haddii sharcigii la raacana yara dariiq dheer ayay noqonaysaa habkii xilka looga qaadayay guddida doorashooyinka. Kow, Waa in golihii wakiillada lagu celiyo ayay noqonaysaa, halkaana lama garan karo waxa ka soo baxaya. Laba, Maxkamadda sarena waa laga dalban karaa go’aannada inay wax ka tidhaahdo. Ta saddexaadna waa in iyagu (guddida doorashooyinka) is-casilaan, mar haddii la yidhi laydinkuma kalsoona, inay dadka u fududeeyaan oo is-casilaan, waana dariiqa ugu fudud.” Ayuu yidhi Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel oo Warbaahinta ugu waramay magaalada hargeysa.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...