Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Gabiley Ayna Noqon Doonin Goob U Xidhan Xisbiga Kulmiye

0
Friday December 20, 2019 - 20:42:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Gabiley Ayna Noqon Doonin Goob U Xidhan Xisbiga Kulmiye

    Wafdi Ka Socda Xisbiga Waddani Oo Gaadhay Gabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi Ka Socda Xisbiga Waddani Oo Gaadhay Gabilay

Gabilay (HWN) waxaa saaka safar shaqo ku tagay magaalada Gabilay wafdi ka socda xisbiga  mucaaradka ah ee Waddani oo uu hogaaminayo xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani Dr. Axmed Cabdilaahi Cige (Shugri).

Ujeedada safarkan uu hogaaminayo Xoghaye Shukri ayaa daarnaa  sidii loo dardar gelin lahaa xaruntii  xisbiga Waddani ku lahaa magaalada Gabilay iyo sidii xisbigu xidhiidh waji cusub leh ula yeelan lahaa bulshada Gabiley iskulana jaad qaadi lahaayeen.




Xogahaye shukri iyo waftigiisii ayaa kulan goos-goos ah la yeeshay Xildhibaanada xisbiga  Waddani uga  soo baxay Gabilay bal si xogogaal xisbigu ugu noqdo waayaha taageerayaasha xisbiga iyo siyaasada Gobolka.

Xoghayahaye Shukri ayaa sheegay in Gabiley ayna noqon doonin goob u xidhan xisbiga kulmiye

Dhinaca kale waxa isna Khadka telifoonka kaga qayb galay is-xogwaraysigan Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo sheegay in xisbigu hindise cusub oo lagu hanan doono codka Gabiley uu diyaariyey, Gabiley-na tahay halka ay ka bilaabayaan daawaynta xanaftii doorashada iyo isdhex-galka.


Is-xog waraysigan ayaa sida ay tibaaxeen waftigu in uu yahay hor dhac iyo gogal xaadh. Hadafkuna Yahay in Gabiley noqoto Gobol ay hagar la’aan uga hawl gali karaan ee aanay marnaba suurta gal ahayn in ay ahaato goob codayneed oo u xidhan xisbiga kulmiye.


Kulankan oo saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa ahaa mid dareenkiisa watay maadaama wakhtigan ay wadanku ku jiro xamaasad is-mariwaa oo aan wali mucaaridka iyo xukuumadu isla meel dhigin xal soo afjara khilaafkii doorashooyinka ee taagan.


Waxaana waftiga Gabiley ku soo dhaweeyey Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor, dhalinyaro iyo haween iyo xubno qurbo-joog ganacsato ah oo u dhaqdhaqaaqa horumarka dadka deeganka Gobolka Gabilay

 

 

Hadhwanaagnews

Gabilay/Office.

.

Loading...
Loading...