Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Jarmalka Ka Bilaabay Socdaal Uu Taageero Ugu Raadinayo Hankiisa Gudoomiyaha Kulmiye

0
Friday December 20, 2019 - 20:43:07 in News by
  • Visits: 2032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Jarmalka Ka Bilaabay Socdaal Uu Taageero Ugu Raadinayo Hankiisa Gudoomiyaha Kulmiye

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Jarmalka Ka Bilaabay Socdaal Uu Taageero Ugu Raadinayo Hankiisa Gudoomiyaha Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Jarmalka Ka Bilaabay Socdaal Uu Taageero Ugu Raadinayo Hankiisa Gudoomiyaha Kulmiye

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa gaadhay wadanka Jarmalka.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa markii uu gaadhay magaalada Frankfurt ee wadanka Jarmalka waxa uu soo dhawayn diiran kala kulmay jaaliyada somaliland ee wadankaasi.

Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee wadanka Jarmalka Axmed Saalax oo ka hadlay soo dhawaynta siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu yidhi "Guud ahaan jaaliyada somaliland waxay u dhaxaysaa dhamaan xisbiyada dalka ka jira, siyaasiyiinta madaxa banaan iyo kuwa ku jira xisbiyada Ucid Waddani iyo Kulmiye, Jaaliyaduna waxay u dhisan tahay inay soo dhawayso qof kasta oo mudakar ah oo saamayn leh.

Dhinaca kale siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay socdaalka uu ku tagay wadanka Jarmalka ayaa waxa uu yidhi "Somaliland bulshadeedu kumay badnayn wadanka Jarmalka oo dad yar ayaa joogi jiray laakiin waxa hada ii muuqda dhalinyaradii iyo haldoorkii wadanka ee wakhtiyadii dambe wadankan jarmalka yimid, waanan idiin mahad celinayaa oo wixii war ah munaasibadaha ayeynu ku kala qaadan doonaa, waanan idiinka mahad celinayaa soo dhawaynta.”

Socdaalka uu Maxamuud Xaashi ku tagay wadanka Jarmalka ayaa bilaw u ah safaro uu ku marayo qaar ka mid ah wadamada Yurub kaas oo doonaya inay bulshada somaliland ee qaaradaasi ay taageeraan qorshaha uu ku doonayo inuu kula wareego hogaaminta xisbiga Kulmiye.

Loading...
Loading...