Cabdi Gahayr Iyo Amaanta Geella

0
Friday December 20, 2019 - 18:34:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 5143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Gahayr Iyo Amaanta Geella

    Amaanta geella ee ragii hore waxay ahayd dhaqan soo jireen ah kaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanta geella ee ragii hore waxay ahayd dhaqan soo jireen ah kaas
oo in door ah inaga baraya sidii loo jeclaa waxdheefkaa ma guuraanka ah ee geella.

Cabdi gahayr wuxu si walba ugu tirsanaa ragii bud-dhigay taariikhda iyo suugaanta geella amaantiisana cirka ku shareeray.



Waqti waqtiyada kamid ah ayaa Cabdi Gaheyr geel uu lahaa laga dhacay, Markii loo sheegay in geeliisii la qaaday ayuu wuxuu ballan ugu qaaday nimankii dhacay in uu ka aar gudan doono, aar-gudashadiisuna ay keeni doonto cirib xumo weyn, oo aan laga soo waaqsan.


Cabdi waxa markaa hareerihiisa joogay rag badan oo qaar ay culimo ama wadaado ahaayeen, isaga oo aan cidna ka habranayn ayuu markaas tuducyadan soo socda ee kala googo’an tiriyey isagoo ku halqabsanaya wiil uu dhalay oo Guhaad la Oran jiray:


*    Wallee ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo

*    Wallee ama Guhaadow waxaan geysto, lala yaabye

*    Gacantayda jeeraan sidii, Gurey ku ciil beelo

*    Ama  gaal madow herer ku dilo giibba laga noole

*    Oo ay dumar ganbacad soo xidhaan gabaygu waab been.


Nin kamid ah wadaadadii agtiisa fadhiyey ayaa waaniyey Cabdi Gaheyr, kana ebhiyey oo ka joojiyey  inuu cagta u dhigo oo meel joogo,  Cabdi Gahayr wuxuu ku yiri wadaadkii sidee meel u joogaa, haddii xoolihii oo dhan la iga dhacay,  Isagoo wadaadkii xusuusinaya qiimaha iyo nacfiga geela wuxuu yiri:

 

v Magaalada Hargaysiyo Berbera, moodka waxa keena

v Oo Adari Maarsay ka dhigay, muranku waa ceebe

v Waa muunad  addoonlow rati, micidu waynaatay

v Markab buu adduunyada u yahay, maccallinow geele

v Nin waliba macnaha loo dhaqduu, maanka ku hayaaye

v Muraadkaa ku toos awgayow, hay makeekiyine.


Wadaadkii kamuu hadhin inu cabdi gahayr ka joojiyo dagaal waxaanu isku dayey inu dilka inu tusiyo aayo-xumida dilka iyo dhiiga binu aadamka ee uu ku taamayo, cabdi waa diiday waanadii wadaadka, wadaadkiina wuxu warba ugu gabogabeeyey in garandoontaa marka  lagu dilo hadaad aayar socon weydo oo xabadi wadnaha kaaga istaagi doonto .


Cabdi Gaheyr wuxuu ugu jawaabay wadaadkii gabay, wuxuuna ku yiri:

ü Dagaalkii jidbaalaba ninkii, joogay baan ahaye,

ü Abidkayba meel lagu jabaan jiqilo weynaaye

ü Ilaahay I jeclaa muxuu, jiray arwaaxaygu.

Wadaadkii kamuu harin ee wuxuu hadana ku yidhi:
Cabdi-Gahayr iska joog oo wardiga iyo Quraanka dhigo, geelii waad heli doontaaye ee si nabad ah ku raadso.

Cabdi-Gahayr wuxuu haddana ugu jawaabay wadaadkii tixdan kale, isagoo ku celcelinaya sida uu ugu Han weyn yahay lahaanshaha geela.


Wuxu tusaale u soo qaatay in geela anbiyadii, ama nabiyadii eebe weyne soo direy ay ku intifaaceen, aadna u jeclaayeen, wuxu cabdi gahayr ku dheeraystay amaanta geela isagoo isticmaalay humaaga buun-buuninta ee ah in aakhiro qof  aan geel lahayn aanu wax amaana aanu lahayn.


Cabdi wuxu soo qaadanayaa sidii asxaabtii nebigu u jeclayd geela ugu intifaaceen, wuxu ku soo gabogabaynayaa sidee idiinla wardiyaa iyadoo geelaygii maqan yahay oo aanan haysan awr aan dhaansado waxaanu yidhi:


*    Idinbacasa awrkay dhashiyo, aarankay wadatay

*    Aakhiro nimaan geel lahayn, lama ammaanayne

*    Asaxaabihii horeba waa, ku intifaaceene

*    Maxaan idinla awlaadsadaa, awgaywo awr ma dhaansado

 

Waxa qorey : cabdirisaaq Axmed Cigaal( darwiish)

[email protected]        ama 0634240189

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...