Xafladda Daah-furka Warshada Mac-Macaanka Casriga ah ee "Shaam Sweets"

0
Monday February 25, 2019 - 12:16:48 in News by Super Admin
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda Daah-furka Warshada Mac-Macaanka Casriga ah ee "Shaam Sweets"

    Hargeysa (HWN) Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Waxa magaalada Hargeisa lagu daah-furay warshad casriya oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga hirgaliyo Somaliland 22

February, 2019, waxaana maal-galiyey warshadan muwaadin reer Somaliland ah oo arkay baahida weyn ee loo qabo in loo buuxiyo booskaas oo aan hore uga jirin Somaliland.

Shaam Sweets waa Warshad cusub oo casri ah oo soo saarta Mac-Macaanka noocyadiisa kala duwan, waxay wadanka ku soo kordhisay macmaaankii carabta lagu samayn jiray sida Suuriya iyo wadanka Turkey-ga oo dibada la inooga keeni jiray.

Warshada oo ku qalabaysan qalab casri ah waxay soo saari doontaan dhamaan noocyada kala gadisan ee macmaanka sida Baqalaawaha, Kunaafada, Mucajanaat-ka, Keegag Kala Gadisan iyo dhamaan mac-macaanka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay samayn doonaan khubaro u dhasahay wadanka Suuriya oo mudo badan ku soo dhex jiray samaynta mac-macaanka.

Warshadan Shaam Sweets waxay ugu bushaaraynaysaa dhamaan dadweynaha leh xafladaha gaarka ah sida aroosyada, meherka, dhalashoyinka, dabaal-degyadda, furitaanka goobaha cusub iyo xafladaha kaleba inay kuu diyaarin doonto keegag iyo macmaano kala duwan oo tayadoodu iyo dhadhankooduba sareeyo.

Haddaba warshadd Shaam Sweets xarunteeda guud waxay ku taalaa agagaarka Cusbitaalka International-ka ee magaalada Hargeisa, ama kala soo xidhiidh wixii faahfaahina Landline: 564362 ama telefoonadda: 063-6834157 ama 063-3165638

Halkan ka daawo Xafladda Daah-furka Warshadda Shaam Sweets:




Loading...
Loading...