Somaliland: Muddo Kordhis Cidna Dan Uma Aha

0
Wednesday March 27, 2019 - 08:46:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Muddo Kordhis Cidna Dan Uma Aha

    Waxaa Hargaysa ku kulmiyey madaxda seddex xisbi ee dalka Somaliland. Madaxdaas oo uu ugu sarreeye, Madaxweynaha Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Hargaysa ku kulmiyey madaxda seddex xisbi ee dalka Somaliland. Madaxdaas oo uu ugu sarreeye, Madaxweynaha Somaliland,
 
Muuse Biixi Cabdi, waxay ka wada xaajoodeen sababaha carqalad ku noqday qabitaanka doorashooyinka golayaasha barlaamanka iyo dawladdaha hoose

Wax natiijo ahi kama soo bixin shirkan, inkastoo la sheegayo in haddana markale la balamay Axadda soo socata, haddii Eebe raali ka noqdo.

Si kastaba ha noqotee, muddo kordhis dambe cidna dan uma aha. Somaliland dan uma aha, axsaabteena dibedda dan uma aha, mustaqbalka dadka dan uma aha, habka dimuqraadiga ee Somaliland dan uma aha. Cid alaale cid ay dan u tahay ma jirto, oo aan ahayn cadowga Somaliland.

Haddaba waxaa loo baahanyahay hoggaamin. Waa loo baahanyahay ragganimmo, adkaysi, ixtiraam, iyo isu dulqaadasho. Dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeena, waa in sidan loo dhaamo.

Guddiga Doorashooyinka waxay leeyihiin wax nala shaqeeyo ma hayno. Waa hadal diciif ah. Haddii aad awoodi kari waydey in golayaashu, xukuumaddu, iyo xisbiyadubba kula shaqeeyaan, dee arrintu dhinac kaliya kama kharibna. Guddiga naftirkiisa ayaa khariban. Markaas oo kale, si sharaf leh, baa la isu casilaa. Ceeb ma aha. Guddiga kalsoonidii waa lagala noqday, wax la shaqeeyo ma hayaan, maxay kolba meel isugu qaadayaan. Sharafta iyo karaamadda ha ku seegina meesha, iska socda.

Golaha Guurtiddu ma aha golahii aynu naqaanay. Raggii ragga ahaa berri hore ayey xaggii loo badnaa tegeen, Alla Ha U Naxariisto, dhamaantood. Saleeban Maxamuud Aadan, "Saleeban Gaal", oo halaag ah, oo weligii halaag ahaa, oo aan lagu aqoon talo wanaag, talo wadaag, ayaa maanta meesha fadhiya iyo dad aynaan garanayn waxay meesha ka qabtaan. Waa arrin u baahan in si wanaagsan looga shaqeeyo.

Golaha Barlamaanka, warkiisa iska daa. Sagaal sannadood ka hor buu dhamaaday wakhtigiisii, welina way soo yururaan. Xisbiyadda ay ka tirsan yihiin lama yaqaan. Kuwee Kulmiye ah?, yaa UCID ah?, yaa UDUB ahaa?, yaa Waddani ah?, yaa soo xaadira?, yaa soo shaqo taga? Maxay qabtaan? Meeyey sharcigii doorashooyinku? yaa iskaga maqan?, yaa iska yimaada oo meesha iska soo fadhiista? Waxaad modaa, in meesha loo sheeko tago oo mashuhar lagu qaato? Somaliland sidan way dhaantaa, wayna dhaami jirtay.

Waan odhan lahaa, aynu iska deyno fartan la isku fiiqayo. Cidna dan uma aha. Arrimahani waxay u baahanyaan fikrado cusub, aragti cusub, karti cusub, talo cusub, dad cusub. Intii la soo wadi karay la soo wad, maanta waxaa loo baahanyahay tamar cusub oo wakhtigan la joogo, la jaan qaadi karta.

Somaliland wuxuu Eebbe ku barakeeyey ummad karti, xirfad iyo dadaal leh. Maanta intooda badani dibedda ayey ka fadhiyaan arrimahan, oo waxaa meeshii ka buuxa asxaab wakhtigoodi socday, tallodooduna noqotay baarixi. Haddii aad garanweyday inaad iska sii socotid, dee, waa lagu garansiin.

1. Muddo kordhis dambe yeelli mayno.
2. Guddigan doorashooyinku ha iska socdo.
3. Golayaal Guurti iyo Barlamaan oo cusub oo falanqeeya dastuurka waa in la keeno.
4. Xisbiggii diida in ay doorashooyinka ka qayb qaataan, dibedda ha iska joogaan, Somaliland cidna geed looguma xidhayo.
5. Wixii tamarteena ah in aynu isticmaali sidii doorashooyinka loo qaban lahaa. Dadku waa diyaar.
6. Intaa haddii la waayo, wixii ka dambeeya, cidna dan uma aha.


Wa Bilaahi Towfiiq

Axmed Kheyre


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...