Nuxurka Fariimo Ay Weftiga Beesha Caalamka U Kala Direen Xisbiyada,Guddida Doorashada Iyo Golaha Wakiilada

0
Thursday December 19, 2019 - 16:32:59 in News by
  • Visits: 4442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Fariimo Ay Weftiga Beesha Caalamka U Kala Direen Xisbiyada,Guddida Doorashada Iyo Golaha Wakiilada

    Nuxurka Fariimo Ay Weftiga Beesha Caalamka U Kala Direen Xisbiyada,Guddida Doorashada Iyo Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Fariimo Ay Weftiga Beesha Caalamka U Kala Direen Xisbiyada,Guddida Doorashada Iyo Golaha Wakiilada

Weftiga ka socday dalalka beesha caalamkaee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa u sacabo tumay go’aankii ay ergada dhexdhexaadintu ka soo saareen khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.



Weftigan oo shalay dalka yimid ayaa kulamo kala duwan waxay la yeesheen ergada dhexdhexaadinta ka dhex waday Madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ku bogaadiyeen hawsha ay qabteen. Waxaanay sidoo kale la kulmeen xisbiyada siyaasadda.


Afhayeen u hadlay weftigan oo ah ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martínez oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay xisbiyada siyaasadda Somaliland inay fuliyaan soo jeedimaha ay ergada dhexdhexaadintu soo bandhigtay oo uu sheegay in shaqada ay qabteen aanay tusaale u ahayn oo keliya Somalialnd balse ay tusaale u tahay gobalka intiisa kale. "Ugu horayn waxaan doonaynaa oo aan jecelnahay inaan halkan uga mahad celino oo aan ku bogaadino shaqada ay qabteen gudida dhexdhexaadintu toddobaadyadii ugu danbeeyay. Waxay sameeyeen wax tusaale aan u ahayn Somaliland oo kaliyaata balse gobalka oo dhan u ah iyo meelo kale, arinta labaad ee aan doonayno inaan wax ka nidhaahnaa waxa weeye sidii deg dega ahayd ee saddexda xisbi u aqbaleen soo jeedintii ay gudida dhexdhexaadintu ay miiska soo dhigeen. Waxaan rumaysanahay inay arintani ahayd mid ay shacbiga Somaliland ay wada sugayeen. Waxaanu rumaysnahay in aanay jirin cid soo jeedintan ergada dhexdhexaadinta ku guulaysatay ama ku guul daraysatay laakiin ay tahay danta guud ee Somaliland.”


Ugu dambayn isagoo la hadlaya xisbiyada wuxuu yidhi " Ugu danbayntii aniga oo ku hadlaaya afka bulshada caalamka iyo saaxiibada Somaliland waxaanu jecelnahay inaan ku dhiirigalino xisbiyada siyaasada inay wada fadhiistaan oo ay jadwal u sameeyaan hirgalinta soo jeedinta gudida dhexdhexaadinta, jadwalkaasina waa in uu noqdaa mid cad oo Somaliland u horseeda inay doorashooyinka baarlamaanka iyo wakiiladu ay sida ugu dhakhsaha badan u qabsoomaan 2020 gudihisa. Waxa aanu sida oo kale ku rejo weynahay, in komishanka doorashooyinka qaranka ee imika jooga iyo baarlamaanku ay ku taagnaadaan ilaalinta iyo ka qaybqaadashada danta guud, ee aanu ka aragnay guddida dhexdhexaadinta iyo xisbiyada siyaasadda”


Ergayga ayaa sidoo kale wuxuu barta uu ku leeyahay twitterka ku qoray qoraalkan "Waxaan jecelahay inaan ammaano hawsha qayral caadiga ah ee ay qabteen guddiga dhexdhexaadintu ee soo jeediyay jidka hore u socodka ah ee loo marayo doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee baahida badan loo qabo. Saaxiibada Somaliland way ku faraxsanyihiin inay taageeraan shaqada guddiga oo ay dhiirigeliyaan in la fuliyo heshiiska.”


Inkasta oo warmurtiyeedka kooban ee waftiga laga dhadhansanayo in ay caddeeyeen mawqifkooda ah in la dhaqan geliyo heshiiska guddida dhexdhexaadinta, iyo in meesha laga saaro muddo kordhinta, isla markaana uu xisbiga Kulmiye xisbi ahaan u aqbalay, haddana weli lama oga in arrimahaas uu la qaadan doono madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ma

Loading...
Loading...