Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Ma wuxuu dhaafi waayey dadkii Naafada ahaa

0
Thursday December 19, 2019 - 15:36:54 in Articles by
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Ma wuxuu dhaafi waayey dadkii Naafada ahaa

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Ma wuxuu dhaafi waayey dadkii Naafada ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Ma wuxuu dhaafi waayey dadkii Naafada ahaa


Dadka naafada ah oo ah dad marka horeba wax badan tabanaya ayaa maanta waxa nasiib daro ah inuu agaasime Axmed Abokor oo ah agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska uu ka hor istaagay lacag yar oo siinaysay haayada uniceif ugu talo gashay malintaa cidii qaban qaabinaysay xaflada oo ah 6 qof oo Organizers ah oo naafo ah.



Maanta ilaa malintii 3da deceber waxa xafiiskiisa ku soo noq noqonayey dadkaa naafada ah ah isagoo meermeerinaayaya damacna ka galay inuu cuno oo jeebkiisa ku dhacdo lacagtaasi dadkaana wax la’aan ku qanciyo.


Dadkan naafada ah oo caqabad weyni ka haysato gelida dhismayaasha dawlada ee xafiisyada wasaaradaha ayaa mudo dhawr iyo toban cisho ah kuso noqnoqonaayey saxeexa agaasimaha guud iyagoo ah dad marka gaadhiga laga so dejiyo la qaadayo oo cago la’ awoodna aan u lahayn inay gaadhan xafiiska agaasimaha guud.


Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Abokor oo ku sifoobay musuqa iyo booba hantida qaranka in badana haysteen odhotku arimo musuqmaasuq ayaan ugu talo gelinba gebi ahaanba innuu siiyo lacagtaa yare e haayadu ugu talo gashay muwaadiniinta hadh iyo habeenba usoo jeeday inay wax u taraan naafada ee soo qaban qaabiyey munaasibadaa loogu dabaal degaayo maallinta naafada aduunka.

 

Manay ahayn in maaanta agaasimaha damiciisu dhaafi waayo lacagtaa yare e kunka dollor dhamayn ee dadka badan ee naafada ahi qaybsanaayen waxaanu ahayd inuu ku tix geliyo uguna debco naafonimadaa iyo intaa badan ee kuso noqnoqnayeen.


Waxaan leenahay wasiirka waxbarashada hoos ha u eego cabashadaa dadka naafada ah iyo musuqaa axmed abokor wasarada ku hayo cidii madaxweynuhu u igmadey masuuliyada dakaasi waa idinka aakhirana Alle idinku idin kala xisaabtamayaa.


Wasiir inkastoo shaqada ku cusub tahy lakiin aad tahay qof daacada aqoona leh fadlan cabashadaa hoos u eeg.

 

Wabilaahi towfiiq

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...