Askartii Iilkay Ku Jirtaa Ha Is Eersato ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday December 19, 2019 - 13:58:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askartii Iilkay Ku Jirtaa Ha Is Eersato ( Abdi-Shotaly).

    Nin waliba wixii uu tabcaday, buu taranteed maalaaye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin waliba wixii uu tabcaday, buu taranteed maalaaye,
loo tali kuwii ina dhacay, oo taqaaqufa'e, togag buuxa yuun baa la tegay, tuugti ina boobtay. Waxan saaka u soo qalin qaatay, oo aan doonayaa in aan halkan ku soo ban-dhigo, Maamulkii askarta wuu soo gabaga-boobay, oo dabadda baa loo rogay, inta meel ay ka baxaan waayeen, bay yidhaaheen waanu aqbalay " Go'aankii Gudidda dhex-dhexaadinta", Waase huf iyo been ay isku maaweelina-yaan, oo malaha sidaas baad wax ku helaysaan bay is leeyihiin, laakiin waa biyo col dhaanshay iyo huuhaaddii la isku khawaysiin jirey. ha-yeeshee meel bay wax u yaalaan, waxay la soo socdaana wax kale maaha, ee waa taynu isla garanayno, Waxa ansaxiyey " Labadda Gole"  ee ay ku sheegaan Guurti iyo Xildhi-baano, waana la dhaariyey bay ku meeraysana-yaan. waa waxa ay isu qanciyaane, laakiin taasi waxay shalay noqotay, ina wax kama jiraan iyo wixii ay la shir iman jireen ee ciiro isku qarinta ahayd, mase soconayso oo askartii iilkaa si wacan loo dhigay, ee ha is eersadeen, dabar iyo hogaan baa la isugu daraye,

 

Tallo xumaantu waa sidda noocaas ay u dhaqmaan " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane" caqli-goodu wuxu siiyey, ilayn maskax meesha kuma hayaan, oo madaxu wuu iska dul saaran yahaye, aad ku warwa-reegtaan sharci baa la is waafaji-nayaa, taas oo aanu jirin wax sharci iyo distoor la yidhaaho oo lagu shaqeeyaa, waxa qaynuuun-koodda keliyi uu yahay beel gaar ah la dagaalama, welina doon-doonaya siddii ay dagaal u ridi lahaayeen, taasina ay u suuro-geli la'dahay, oo maanta aanay jirin, beentii lagu kicin jirin dadka, siddii dagaalkii marya-aloolka, ee meel kaste iyakaa iskaga shiday dab. Ha ogaadeen in aan wax loo sii daynayaa aanay jirin, ee khasab ay ku tahay in ay yeelaan, kalana diraan tuugta ay u soo xusheen, in ay mar kale u boobaan Doorasho dambe ee timaadda ( Laba fili-maayo in ay dhacdo'e). Arintani waa Guul u soo hoyatay Ummadda reer somaliland ee jecel cadaaladda, sinaanta, xaqa iyo garsoorka saxa ah iyo wax wadda lahaan-shaha, waxa gabal u dhacay, oo dhabar jab ku tahay intii keli-good jaqaysay, hantidda ay ummadu ka bakhtiday, ee ay macaluusha derbi kaste la wadhan yihiin. qalad eebbe ha ku dhacdo inti sidaas ka dhigtay ee waxooddii xadaye.

 

Waxan intaas ku darayaa, Hungri wax ka weyn la geliyaa wuu ku dhin-taaye, Kuwa Shalay galab ay Ceerigaabo u direen Askariga bilaa garaadka ah iyo ka uu ku shaqaystaa ee Geenyo Shaaximani, kuwas oo ay hor kacayaan Bukhaari, Ka Cabdiraxmaan good la yidhaahaa, Cawi faantax, iyo qara kaloo badan oo duuni raacyo ah, kuwas oo watay " Shan laan-Kuruusar". waxa loo direy in ay soo qabtaan General Caarre ama ay ku kelifaan in uu dalka ka baxo, Kuwaas waxan leeyahay ey baad tihiin, loo adeegsado beeshoodda, Mujaahid Caarre wuxu jogaa dhul uu leeyahay Garxajis, ma joogo buulkii hooyadiin, cid ku dhici kartaana ma jirto. Janaral Carre iyo jabhadda dulmi diid, waa idiin diyaar, waxad ka soo noqon doontaan, idinka oo dhaawac iyo geeri u kala qayb-samay, kab-na lulaaya, mid-na laalaadi-naaya, shanta laan-kuruusara-na la idin-kala hadhay, dharka la idinka saaray, oo idinka oo qaawan aad dib kabo la'aana ugu soo lugayn doontaan, idinka oo cagaagan Ceeri-gaabo soo geli doon-taan baan idiinku balan qaadayaa, hunguri-giinii maantuu idin gawracay, kana soo nabad noqon maysaan ee sidaas ku biyo caba, iimaankii baa Eebbe idinka qaaaye.

 

* N.B Hunguri Wax Ka Weyn La Geliyaa, Wuu Dilaacaa!



Qore:- Abd-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...